Burcad badeed Soomaali ah oo ku hanjabtay inay dili doonaan nin maraykan ah oo ay afduub u haystaan.

DaabacoSaaxib u dir

Burcad badeed Soomaali ah oo ku hanjabtay inay dili doonaan nin maraykan ah oo ay afduub u haystaan kadib markii dhowaan xilli habeenimo ay ciidamada maraykanka ee Navey SEAL ay si xoog ah ku soo furteen labo ruux oo oo shaqaale gargaar ah oo loogu haystay afduub dalka Soomaaliya.  
Burcad badeedan afduubka u haysata muwaadinka maraykanka ah ayaa la soo sheegay in 24saac gudahood ah ay saddex meel oo kala duwan geeyeen ninka ay afduubka u haystaan iyagoo ka cabsi qaba in weerar lagu soo qaado.

Warkan  ka soo baxdday burcad badeedan ayaa dhaliyey in su’aalo laga keeno xaalada ay ku sugnaan karaan muwaadiniinta reer galbeedka ah ee gacanta afduubayasha ku jira.
‘Haddii ay mar kale isku dayaan dhamaanteen waan dhiman doonaa,’ayuu ku hanjabay Xaan Cabdi oo ah burcad badeed xiriir la leh kooxda haysata muwaadinka maraykanka ah ee sabtidii la soo dhaafay la afduubtay.
‘Waa arrin adag in aad haysato ruux American ah sababtoo ah waa baqtiyaanasiib, dhimo ama hel lacag badan, waan ku dhegenaan doonaa qorshaheena mana sii deyn doono inta nalaga siinayo lacagta aan dalbanay,’ayuu sii raaciyey Cabdi .


Habeenimadii arbacadii ayaa ciidamada maraykanka ee U.S. Navy SEALs  waxa ay baarashuut ku degeen meel u dhow bartii lagu hayay labo ruux oo  u shaqeynayay hay’ad Denmark xarunteedu tahay.
Waxaana ciidamadaa ay ku dileen illaa sagaal burcad badeed ah iyagoo badbaadiyey labadii ajnabi ee doonayeen inay soo furtaan.
‘In qof aad afduub ugu haysato hal meel waa mid aan suurtogal ahayn sababtoo ah waa annaga halka ay doonayaan in ay markan soo weeraraan ciidamada maraykanka,’ayuu Cabdi ugu sheegay taleefan wakaalada wararka AP.
Cabdi waxa uu xusay in ay ka shakisan yihiin in maraykanka ay ku dhex leeyihiin burcad badeeda dad u jaajuusa.
‘Ma ahayn barnaamij ku dhufo oo ka dhaqaaq ah howlgalka Maraykanka,balse waxa uu ahaa mid waqti dheer la qorsheeynayay iyadoo kaalmo laga helaya dad naga mid ah waayo Maraykanku waxa ay weerarka qaadeen xilli ay ilaaladu debecsanaayeen,’ayuu Cabdi sii raaciyey.
Afhayeenada wasaarada arrimaha dibadda Victoria Nuand ayaa si rasmi ah u shaacisey in ay la xiriireen qoyska muwaadinka ugu dambeeya ee maraykanka ah.
‘Waxaa sidoo kale nala shaqeynaya xiriiro aan ku leenahay gudaha dalka Kenya iyo Soomaaliya si aan u helno aqbaaraad badan,’ ayay Nuland u sheegtey weriyayaal ku sugan magaalada  Washington.
‘Si cad ayaan u cambaareyneynaa afduubka nooc kasta uu ahaado waxaana aan ku baaqeynaa in si degdeg ah loo sii daayo  dadka afduubka loo haysto. Waxana aan uga digeynaa muwaadiniinta Americanka ah inay u safraan dalka Maraykanka.’
Kooxaha afduubka u haysta dadka ayaa la sheegay in ay qorsheynayaan in ay hadda kadib ay ka fiirsadaan in dhulka ay ku hayaan dad ay afduubtaan, waxaana ay aaminsan yihiin hadda in badda ay ugaga habboon tahay berriga inay ku dhuuntaan illaa ay ka helaan lacagaha ay madax furashada ku doonayaan.