Bosaaso oo Wariye Lagu Dilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in saacad ka hor Magaaladaasi lagu dhaawacay Weriye lagu magacaabo Xasan Ateeno oo ka howlgeli jiray warbaahinta gobolka Bari
Warka ayaa intaasi ku daraya in weriyahan lagu dhaawacay afaafka hore ee xarunta idaacada Codka Nabada Bosaso oo ku taala faras magaalaha caasimada dhaqaalaha ee puntland bosaso
Labo wiil oo baaskoolado ku hubeysan ayaa geystay weerarkan ka dibna ka baxsaday halkii ay falkan ka geysteen sida ay galgalanews u sheegeen dad goob joogayaal ah
Xaalada Weriye xasan ateeno ayaa lagu soo waramaya in ay tahay mid khatar ah madaama rasaastu ka haleeshay xubno muhim ah , sida aan kasoo xiganay weriyayaal bosaso jooga oo xaalada la socda
Lama garanayo sababta loo soo beegsaday weriye xasan ateeno , ilaa iyo hadana ma jirto cid loo qabqabtay weerarkaasi , cid sheegtay dadka geystay
Xasan Ateeno ayaa ka mdi ah wariyayaasha koonfurta soomaliya kasoo howlgeli jiray ee usoo wareegay dhinaca puntland , waxaana naloo sheegay inuu lasoo shaqeeyey warbaahinta radio muqdisho
Weerarka lala beegsanayo wariyayaasha Puntland ka howlgala ayaa isi soo taraya waxaana dhowaan lagu dhaawacay gabar weriye ah magaalada Galkacayo taasi oo haatan xaaladeed caafimaad wanaagsantahay
Dilkan wariyaha ayaa ku soo aadaya iyada oo Maalintii shalay Madaxwayne Faroole Magcaabay Afhayeenka Madaxtooyada PL kaasi oo loo Magcaabay Cumar Xirsi ( Libaax Joore Ninkan ayaa Mudo ku Noolaa dalka Uganda Gaar ahaan Xerada Qaxootiga ee Nekafaali ee duleedka Magaalada Kampala.
 
Faah Faahin Naga Suga
GalGalanews.com


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
10 + 4 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.