Bosaaso oo Dad Xabsiyad lagu Guray
Boosaaso: Waxaa maalmihii la soo dhaafay buux dhaafiyey saldhigyada Boosaaso dad rayid ah oo magaalada iyo xaafadaha laga soo qab qabtay Dadka rayidka ee Ciidamada soo qab qabanayaan ayaa lagu eedeynayaa in ay yihiin Shabaab qaraxyo ka sameeya gudaha Boosaaso.
Waxagardka iyo dadka deegaanka oo u waramayey Saxaafadda ayaa arrimahan qab qabashada aan loo meldayin ah ku eedeeyey Dowladda in ay ka wado Gobolka Bari kacdoon shacab in uu dhaco waayo dumar iyo caruur iyo dhalinyaro looma kala aabo yeelin xariga iyo jirdilka Ciidamada u geysanayaan Boosaaso.
Ilaa dad boqolaal kor u dhaafaya ayaa ku xiran Saldhigaya Boosaaso waxaana hor tuban dadweyne aad u tiro badan oo eheladooda daba jooga la soo qab qabtay Boosaaso oo ah magaalo weyn oo Ganacsi ayaa ah meel jahawreer Siyaasadeed iyo mid ahqaale uu ka jiro kadib markii Suuq weynihii kumanaanka qof u shaqo tegi jireen dab qabsaday waxaana u sii weheliya cabsida dilalka iyo xariga Ciidamada Maamulka Faroole u geysanayo Reer Boosaaso oo hadda taagan in ay kacaan oo sidii biyo fatahmay Maamulka Faroole u qaataan.
GalGalanews.com
















