Boqortooyada Ciidagale iyo siday Gacanta ugu dhigeen Beesha H/yoonis iyagoo wax dagaal ah dhex marin By: Khan Maxamed
Aduunka aynu ku noolnahay waa taxane Taariikh is daba socota,waxana haboon in wax la iska weydiiyo oo laga daba tago siday arimuhu ahayeen iyo sida ay wax u dhaceen iyo sida ay ilaa hada wax u jiraan,Umad aan daba galin Taariikhdooda oo aan wax iska weydiin waa Umad haboow ah,arimaha tagan iyo arimaha soo socdana,waxba ka ogaaneynin,arinkan Qoraalkaygan waa mid ii gaar ah oo aan ku qorayo hab dareen ah,iyo khibrada aan idhahayga ku arkey,waxan waliba ka sii jeclaan lahaa in aan Odayada xiligan nool wax ka weydiin lahaa hadii aan wadanka ku suganahay.
Beesha Garxajis waa Beel aad u balaadhan,deegaan aad u kala fogna dega,waxa talada Beesha ee guud ee Boqortooyada hayey beesha Ciidagale.
Beesha Ciidagale oo ah Boqortooyada Garxajis in mudaana talada hayay,aya muran soo kala dhex galay labada Beelood sidii ay u wadaagi lahayeen talada guud ee beesha Garxajis arinkaas ayaa muran weyn ka dhashay,Ciidagale waxa ay soo jeediyeen in talada guud sideeda ahato,arinka Boqortooyaduna tahay mid aan laba u qeybsamin,sidaas markay dhacday aniga soo gaabinaya Taariikhda sida aan u maqlay aya,Beesha Habar Yoonis goonu u shireen kuna dhawaaqeen in ay ka baxeen taladii iyo Boqortooyadii Ciidagale,halkaas waxa aad ka dareemeysaa in aanu arinku ahyn mid la wada fadhiistey oo si la isla ogyahay lagu kala tagay,waxa halkaas ka muuqata in Habar Yoonis Go,aanka kaligood iska qaateen,waana arin u bahan in dib looga wada hadlo.
Sidaas markay dhacday aya iyaguna shireen Boqortooyada Ciidagale oo inbadan xirfad iyo xadaarad maamul hayey,waxayna go,aan ku gaareen in Habar Yoonis lala galin Dagaal lagu hoobto oo Waramo la is weydaarsado,wax faaiidana ugu jirin Beesha Garxajis oo dhexdooda dagaal dhex maro,Beesha Habaryoonis xaruntoodu waxa ay ahyd Magalada Oodweyne oo ah Magaalo qadiimiya oo aad u facweyn xiligaasna aad u camirneyd,Boqortooyada Ciidagale waxa ay go,aan ku gaareen in ay Habar yoonis kula dhaqmaan Qaybi oo xukun,Ciidagale marnaba may dooneynin in ay degaan Oodweyne oo xiligaas Xadaarad iyo dhaqale badan ka jirey,Boqortooyada Ciidagale waxa ay Go,aan ku gaareen in ay ku guuleystaan in Habar Yoonis soo dejiyaan deegaanka Ciidagale ilaa Hargeysa.
Xili waxa dhacdey beesha Habar yoonis dhexdooda soo kala dhex galay muran,gaadhayna xitaa in ay gacan iyo waramo isla galaan,Madama xilka sare oo Suldanimaduna ku cusbeyd oo socod barad ahyd arinkan waxa ka faaiideystey Boqortooyadii Ciidagale oo marnaba ka raali ahyn in ay Habar yoonis ka madax banaanadan talada guud ee Garxajis,Boqortooyada Ciidagale markiiba waxa ay diriin Odayal badan hab siyaasad ku jirto,waxana ay ku guuleysteen in ay dhexda ka jabiyaan taladii cusbeyd ee Suldanimada H/yoonis,Boqortooyada Ciidagale arinkii ay doonayeen aya u suuragal oo aha in aanay iyagu tagin oo degin Oodweyne hase ahate ay ku guuleystaan in Habar yoonis soo degto Hargeysa iyo caro Ciidagale.
Beelo badan oo Habaryoonis ah aya soo degay Hargeysa,waxa dhacday in Magaladii Ganacsiga weyn ka socdey ee Oodweyne lagu kala tago,si weyna loo soo camiro Magalada Hargeysa,waxana arinkan faaiido badan ku laha Beesha Boqortooyada Ciidagale oo aad uga cadhooday habka Suldaanka Habar yoonis kaligiis ku qaato in uu ka baxo talada guud ee Beesha Garxajis,ilaa xiligan aynu ku jirno oo ah 2011 xurgufkaas waa uu ka dhaxeeya Labada Beelood waxana wacneyd in laga wada fadhiisto oo laga wada hadlo hadii xiligaas fog khalad ama sax dhacayna hada dib loo cusbeyneysiiyo waa sida ay aniga ila tahay.
Qoraalkaygan caadifaad maha isku dirna maha hase ahate waa sida ay wax u jiraan iyo in laga daba tago Taariikhda,arimihii dhacay ee Taariikhda aha oo boodhka laga tumo waa inoo wada faa'iido waana aynu ku kala wada nabad galeynaa dhamaanteen sababtu tahay Taariikhdu wey soo noqnoqtaa,markaa inaga oo wax og oo sii qoranay Taariikhdu ha inagu soo noqoto.
Intaas ayan Qoraalkan ku soo koobaya,waxana ka dhigi hab taxane ah,ilaa maanta sida wax u jiraan.cidii igala qeyb galaysana waan soo dhaweynayaa ee xoog waran badan haya,ama wareysan kara Odayada uu ka midka yahay Xaaji Cabdi Waraabe oo xiligan ku sugan Hargeysa,Odayadu Taariikh Dahabiya ayey hayaan waana in laga wareystaa si Taariikhdaas ay u noqoto mid Dhaxal gal ah oo meel loo dhigo Taariikhda oo Maqal iyo Muuqaal.iyo Qoraalba ah,arimaha Taariikhda oo meel la dhigto waa arimaha wadamada sida Reer Galbeedka iyo Wadamada kale ee horey u maray ay sameeyaan,inaguna weynu sameyn karnaa maadama aynu ku noolnahay xili Casriya oo dhamaan Aladaha warka si dhakhso ah loogu kala qadan karo.Ha la ururiyo Taariikhda dhabtaa Caadifada iyo Xumaantuna inaga reeban.
Khan Maxamed Kjawil.
hilaac112@hotmail.com
Vancouver Canada.
———————————————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
















