Booliska Gobolka Banaadir oo Gacanta ku Dhigay Miinooyin Lagu Qarxin Lahaa Masuul ka Tirsan G/Banaadir

Muqdisho (RBC) Saraakiisha booliska ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday inay qabteen miinooyin iyo bambooyin la doonayey in lagu aaso guri uu degan yahay gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Sheekh Cali Guure.
Gudoomiyaha degmada C/casiis ayaa sheegay in ciidamada booliska ay qabteen labo nin oo waxyaabaha qarxa ku waday jawaan iyadoo labo ruux oo kale oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falkan ay baxsadeen.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in raga ay qabteen ay u gudbiyeen hay’adaha amaanka si maxkamad loo horgeeyo, iyadoo kuwii baxsadayna lagu raad joogo sida uu sheegay gudoomiyaha degmada C/casiis.
Talaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli beryihii u dambeeyey ay magaalada ku soo laalaabteen qaraxyada laga sameynayo goobaha ay dawladu degan tahay kuwaasoo marar badan sababay in dad rayid ah ay ku dhintaan kuwa kalana ku dhaawacmaan.
RBC Radio