Bisha Cas Oo Bilaawday Qorshe Ay Dib Ugu Celineyso Barakacayasha

waxaa bilaawday qorsho dib loogu celinayo qoysaskii ka soo barkacay qeybo ka mid ah gobollada dalka kadib markii ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Goboladaasi.
Madaxa hay’adda Bisha Case Shariif Cabdalla Maxamed oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in hay’addooda ay bilaawday qorsho dib loogu celinayo  qoysaskii ka soo barakacay Gobollada dalka kadib markii ay roobab lagu diirsaday ay ka da’een gobolladii ay horay uga soo barakaceen.
Sidoo kale Shariif Maxamed ayaa sheegay in gorshahan uu bilaawday maalintii shalay aheyd waxa uuna xusay in ilaa 60 qof ay dib ugu celiyeen magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ugu dambeynti madaxa hay’adda Bisha Cas ayaa tilmaamay in qoysaska  dib loogu celinayo deegaanadoodii ay siin doonaan raashiin ay ku noolaadaan muddo dhan 3 bil iyo lacag ay biil ka dhigataan.
hay’adda Bisha Cas oo ka mid ah hay’adaha sida weyn gurmadka ugu fidiyay dadka ka soo barakacay abaaraha ka jiray gobollada dalka ayaa noqoneyso ha’addii ugu horeysay oo dib u celin u sameyso dadkii horay u soo barakacay.