Baroortu Orgiga ka weyn(Bad iyo Bariba maxaa noo harey)- (Video)
Qormo-(GMN) Arimaha soomaaliya oo mudada dheer cakirnaa waxaa laga dhaxlay dagaal sokeeye oo dadkii soomaaliyeed ee dhulka u dhashay la isku jaanqaadey,taasoo sababtey in dhulkoodii bad iyo bariba lagu gorgortamo iyagoo maqane jooga yaal ka ah,waxyaabaha sababay dawlada ku meelgaarka ah ee laga bixi la yahay waxaa kamid in inta laysku daliyo umada Soomaaliyeed oo dagaal aan dhamaad lahayn lagu furo in dhulkooda Bad iyo bariba si sahlan loo dhaxlo.
Waxaa hubaal ah markii badweyntii soomaaliyeed laga dhamaystey waxii kaluun dangiigey iyo qayraadba badweyntii soomaaliyeed,nalookuna badalay haamo waaweyn oo qashinka nugleerka uu ku jiro in hada loo soo dhacay sidii loola baxi lahaa macdantii barriga ku jirtey iyo weliba shidaalkii badaba.
Hadaad daawato muuqaalka video-ga ah ee hoos yaala waxaad ka dheehan kartaa durbadiiba in dantii shisheeyahu soomaaliya ka lahaa qaar kamid ah uu ka gaarey,hadana uu doonayo in ay helaan inta hartey ee bada iyo barigaba ku jirta.
Kaluunka sida sharci daradaa looga daldashay xeebaha soomaaliya waxay kor u dhaafeysaa ballaayiin doller oo lacag ah,halka abaal gud nalooka dhigay anagoo hantidaas ka gaajaysan macaawino nalooku yabooho taasoo 3-duleel mid kamid ahi aanay jabkeed soo gaarin umada soomaaliyeed.
Abshir aaden feero oo ah aqoonyahan soomaaliyeed oo ka danqaday muuqaalka xumaanta huwan ee uu kujiro dhulkiisii hooyo iyo sida dadkiisii iyo dalkiisiiba u dayacan yahiin,kuna soo barbaarey dalka faransiiska asoo labo sano jirana halkaas yimid,mudo aad u dheerna ku noolaa dalalka qurbaha ah aqoontiisii wax barashana kusoo qaatey,isla markaana qormadan saldhig u ah oo aan ka diyaariyey, asoo ku hadlaya luuqada ingariiska waxaa hadaladiisii kamid ahaa..
If only our people could see just how amazing our country is and what it can be. Imagine what we could achieve for ourselves.
We have the passion, the resources, and we have been blessed with the geographical position to make a difference in Africa, The Middle East and The Indian Ocean. We could change The World if we have the vision.
It’s up to us, we can’t, shouldn’t and don’t need to wait for… The International Community’s help.
The World’s vision of Africa is changing and we need to take our place. A place of leadership and restoration that only Somalia can bring because of where our nation is situated.
Somalian’s worldwide are incredibly rich in terms of skills/talents and knowledge. If we could, as a community organise, unify and in this framework stop our resources from being plundered by these other countries, we could ensure a better future for ourselves and our children.
Hadaba ila dheeho muuqaalka video-gan oo runtii markaad daawato aad ka dheehan karto danaha muuqda iyo kuwa dahsoon oo ay shisheeyuhu ka leeyahiin geyiga soomaaliyeed,iyo fahan la,aanta aanay arimahaasba u jeedin bulshada soomaaliyeed oo isku mashquuldsani intooda badani,,(Orgigu barooru ka weyne—Bad iyo bariba maxaa noo harey—Dhalinyarada pirates-ka lagu tilmaamaase muuqaalkan hoose ayaad ka ogaan kartaa waxa ay yahiin….
http://dotsub.com/view/8446e7d0-e5b4-496a-a6d2-38767e3b520a
Mar uu abshir aaden feero uu ka hadlay xaflad lagu qabtey magaalada London waxuu si soomaalinimo ah halkaas uga soo jeediyey afkaartiisa ku aaden arimaha soomaaliya kaasoo kugu beeraysa qiiro wadaninimo,abshir barnaamijkan aad daawanayseen waa shaqsiga isku taxalujiyey inuu banaanka soo dhigo una soo gudbiyey saxaafada.
http://youtu.be/4OOAeHhMjP0
Mahadsanidiin
By- Durraan shirwac
Em-durta21@hotmail.com
Gedoonlinenews@gmail.com
















