Barca oo u sheegtay Chelsea in mustaqbalka burburiyaha Blues Oriol uu gacantooda ku jiro
Kooxda Barcelona ayaa muran weyn ka keentay in Oriol Romeu uu mustaqbal dheer ku sii lahaan karo kooxda Chelsea.
Waxaana ay xusuusiyeen tababare Andre Villas-Boas in Romeu qandaraaskiisa uu ku jiro heshiis ah inay dib u soo iibsan karaan, kaasoo la saxiixay markii uu Nou Camp ka tagayay.
Kooxda reer Catalan ayaa sheegtay inay dib u la soo saxiixan karaan ciyaaryahanka khadka dhexe oo 4.3 milyan ginni kaga tagay Barca bishii August, xagaaga soo socda waxa ay dib ugala soo wareegi karaan 9.5 milyan ginni ama 13 milyan ginni sannadka ku sii xiga sida heshiiska uu ahaa.
Hadalkoodan ayaa yimid ka dib markii Villas-Boas uu soo jeediyay in Romeu uu mustaqbal dheer Stamford Bridge ku leeyahay, hadii ay Barca dib u rabto ama hadii kale.
AVB ayaa suxufiyiinta u sheegay: “Heshiiska waxa uu qeexayaa in Barca ay dib u iibsan karto ciyaaryahanka hadii Chelsea ay ogolaato inay iska iibiso”
“Mar kasta waxaad u baahan tahay waqti aad kula qabsato Premier League lakiin Oriol iyo Juan Mata si dhaqso leh ayay kooxda ula qabsadeen” ayuu yiri.
Romeu oo 20 jir ah ayaa ku bilowday ciyaartiisii shanaad oo isku xigta isagoo ka ciyaarayay booska burburiyaha kulankii ay Chelsea 2-1 kaga badisay kooxda Manchester City.
Lakiin ilo muhim ah oo u hadlay Barcelona islamarkaana wargeyska The Sun uu soo xiganayo ayaa yiri:
“Mustaqbalka Oriol waxa uu ku jiraa gacmaheena, ee kuma jiro gacmaha Chelsea”
“Ciyaaryahanka dib ayaan u la soo saxiixan karnaa sida heshiiska ku cad, mana fahamsanin waxa uu Villas-Boas ka hadlayo”
“Dhamaanteen lama yaabanin qaab ciyaareedka fiican ee Oriol uu ku soo bandhigayo Premier League”
“Waa ciyaaryahan mustaqbal weyn leh, maalin kasta iyo isbuuc kasta ayaana la soconaa horumarka uu sameynayo”
Si looga fogaado shakiga ku aadan mustaqbalka Oriol, Barca waxa ay fariin ay ku xaqiijineyso heshiiskii hore ay u dirtay madaxda Chelsea.
Source – Laacib
Xafiiska Allsomali24.com
Muqdisho – Somalia
















