Baralamanka Oo Saaka Leh Kulan Feejigan

Muqdisho - Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xarunta golaha shacabka oo weli xiran ay kulan ku yeeshaan xildhibaanadii dhawaan xilka ka qaaday Gudoomiye Shariif Xasan Sh. Aadan.
Kulanka oo la filayo inuu shir gudoomiyo ku xigeenka labaad ee gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qeybgalayo sida la qiyaasayo xildhibaano ka badan 250 waxaana aad looga cabsi qabaa in mar sadexaad ay isu gacan qaadaan hadii ay yimaadaan xildhibaanada taageersan Shariif Xasan.
Ajandayaasha loogaga hadlayo ayaa lagu sheegay dar dar gelinta qodobada horay u horyaalay baarlamaanka sida uu saxaafada u sheegay xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim.
Amaanka ayaa waxaa adkeynayo ciidanka AMISOM, laakin waxaanan la ogeyn inuu fariisan doono gudoomiyaha baarlamaanka iyo in kale.
Mudanayaashaan ayaa ku doodaya inay xilka ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka halka afhayeenka baarlamaanka uu diidanyahay arintaasi, waxaana wali taagan sida muuqata muranka baarlamaanka.
Waxaa maanta si weyn looga cabsi qabaa gacan ka hadal ka dhaco baarlamaanka xilli shacabka Soomaaliyeed ay wali ka sheekeynayaan dagaalki dhex maray mudanayaasha labadi kulan ee ugu danbeysay ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com