Bannaanbax ka dhacay Muqdisho
Haween ka qeybgalaya bannaanbax ka dhacay garoonka Koonis ee Muqdisho/JowharBannaanbax lagu taageerayo ka bixitaanka Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho iyo waxqabadka ciidamada dowladda KMG ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta Koonis ee waqooyiga Muqdisho.Bannaanbaxa oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG, ayaa waxaa ka hadlay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali, oo sheegay in maalintii Al-Shabaab ay ka baxeen caasimadda loogu yeerayo maalintii guusha Muqdisho.Ra’iisul wasaaraha waxa uu u mahad celiyay dadkii isugu soo baxay taageerada dowladda KMG iyadoo ay tahay xilli Ramaadan, waxaana uu shacabka kula dardaarmay in fursadaha jira laga faa’ideysto, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada dowladda.Sidoo kale, dadkii isu soo baxay waxaa la hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shacabka ugu baaqay in ay iska dhex saaraan maleeshiyaadka wali ku dhex dhuumanaya xaafadahooda.Tarsan waxa uu dadkii bannaanbaxa ka qeybgalay uu ka codsaday in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo sidii kala danbeynta loogu soo celin lahaa caasimadda.Lixdi bishan ayay maleeshiyada Al-Shabaab ka baxeen magaalada Muqdisho kaddib markii cadaadis iyo culeys badan ay kala kulmeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.Maqaaladda La Xiriira:
- Bannaanbax weyn oo Muqdisho ka dhacay
- Muqdisho: Bannaanbax ka dhacay Shangaani
- Bannaanbax xagga nabadda ah oo Muqdisho ka dhacay

















Comments
Post new comment