Baarlamaanka Puntland oo maanta ka Dooday Gudniinka Fircooniga
Garoowe (RBC Radio) Waxaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland Kalfadhigii 27-aad oo ay yeeshaan Mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda Puntland.
Kalfadhiga 27-aad oo Munaasabadda Ciidul Adxaa awgiis loo hakiyey ayaa looga dooday Sharci ku saabsanaa Gudniinka Fircooniga, kaas oo horey si wadajir ah usoo wada saareen Wasaarada Haweenka iyo Qoyska iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Puntland.
Sharcigan Gudniinka Fircooniga ee maanta doodeedu bilaabatay ayaa la filayaa in uu socon doono muddo dhowr beri ah, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanku ansixin doonaan marka ay si fiican uga doodaan,waxaana xusid mudan in Qorshahan horey loogu bandhigay golaha Wasiiradda Puntland ka dibna ansixiyey.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska Puntland Caasha Geelle Diiriye oo dhawaan la hadashay Warbaahinta gudaha ayaa sheegatay in Qorshaha Wasaaradda Haweenka ee dhanka Gudniinka Fircooniga ah noqon doono mid balaaran oo kor loo qaadi doono tayadiisa.
Baarkamaanka Puntland ayaa kalafadhin yeesha Sanadkiiba 2-jeer,waxaana inta badan looga doodaa arrimo badan dan u ah dadweynaha Puntland.
RBC Radio
Garoowe
















