Baarlamaanka Kenya Oo Meel Mariyey In Ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ku biiraan Hawlgalka Amisom
Nairobi (Puntlandi) Baarlamaanka wadanka Kenya ayaa meel mariyey go’aankii ay xukuumada wadankaasi qaadatey maalintii shalay ee ahaa in Ciidamadooda ka dagaalamaya koonfurta Soomaaliya ay ku biiraan hawlgalka ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ee la magac baxay AMISOM.
Baarlamaanka Kenya go’aanka ay qaateen oo ay shalay usoo gudbiyeen golaha wasiiradu waxa uu ka danbeeyey kadib markii todobaadkii hore uu uu Ururka Midowga Afrika waydiistey Kenya inay ku biirto 9000-ka kun ee askari ee Midowga Afrika ka jooga wadanka Soomaaliya kuwaasi oo dowlada Soomaaiya kala barbar dagaalama maleeshiyaadka Alshabaab ee nabada Soomaaliya cadowga ku ah.
Kenya oo ay ciidamadeedu koonfurta Soomaaliya kula dagaalamayaan Kooxda Shabaab waxay kusoo galeen kadib markii afduubyo dadka ajaanibta ah ee dalkaas dalxiiska u taga lagu bilaabay kuwaasi oo dhamaantood lala soo aaday Soomaaliya, Kenya waxay sheegtey in amaankeeda gudaha ay kooxda Shabaab waxyeelo ku tahay sidaas darreedna ay Shabaab kula dagaalamayaan Koonfurta Soomaaliya.
Saxaafada Kenya waxay sheegaysaa in go’aanka Baarlamaanku ansixiyey in Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku biiraan Hawlgalka Amisom uu yimid soo jeedimo Midowga Afrika uga yimid iyo Kenya oo quus ka taagnayd kharashaadka ciidamada oo sii kordhaya kaasi oo ay doonayaan in Midowga Aftika uu kala wareego uuna kharashaadkooda ka bixiyo hawlgalka AMISOM, Ciidamada AMISOM waxay ku joogaan ogolaanshaha UN-ka waxaana UN-ku uu ka taageeraa dhaqaalaha .
Puntlandi
Nairobi
















