Baardheere Oo Dumar Lagu Karbashay
Baardhere(GMN)-Maamulka Kooxda Shabaab Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Meel fakaar ah waxa ay ku karbasheen haweenay ay ku sheegeen inay sameysay gogol dhaaf sharci dara ah.
Yuusuf Xasan Isaq oo isagu ah Qaatiga Maxkamada Ururka Shabaab ee Baardheere ayaa meel fajaaraha waxaa uu ka sheegay in haweenaydani ay karbaasheen ay qiratay sida uu yiri dembiga lagu haysto.
“Waa ay qirtay dembigeeda iyada aayaan imaatay saldhiga sidaas ayaa ku fulinay xukunkeeda” ayuu yiri qaatiga Maxkamada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxau halka lagu karnaashay gabadhani eedeyntaasi loo soo jeedayey inkastoo aysan saxaafada la hadlin.
Masuuliyiin Shabaab ka tirsan oo la hadlay Boqolaalka dadweynaha ah ayaa ugu digay shacabka inay qaadaan talaabooyin noovan ah .
Maamulada Shabaab ee Gobolada ayaa inta badan waxa ay fuliyaan xukuno ay u cuskadaan in shaqsiga isagu uu qirtay Dambigiisa.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
















