Arsenal Wenger oo laga yaabo in uu si amaah u keensado Henry

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la sheegay in uu damacsan yahay in uu dib ugu soo celiyo kooxda Arsenal ruugcadaagii hore u soo maray kooxda una samaysay taallo ee Thiery Henry.
Wenger ayaa waxaa uu weyn doonaa weeraryahanada Gervinho iyo Chamakh ciyaaraha koobka Afrika awgii oo ay ka qeybgalayaan bisha January waxana uu weyn doonaa weeraryahan kale oo caawiya gooldhaliyaha u soo baxay naadiga Gunners ee 19ka gool ku haya hoggaanka gooldhalinta ee horyaalka Ingiriiska Robin Van Persie.
Henry oo taallo lagu xusayo daaha loogaga dhisey barxada garoonka Emirates toddobaadkii hore iyadoo la xusayay sanadguuradii 125aad ee ka soo wareegatay aasaaska  naadiga Arsenal. Henry ayaa sidoo kale tababara la samaynayay kooxda Arsenal toddobaadyadii la soo dhaafay.
Henry oo u dhaliyay 226gool siddeed xilli ciyaareed ee uu ka mid ahaa kooxda Arsenal ayaa lagaa yaabaa inuu si amaah ah dib ugu soo laabto muddo gaaban kooxda Gunners.
Balse, Winger oo sidoo kale amaah muddo hal xilli ciyaareed ah u siiyey kooxda Sunderland Nicklas Bendtner oo ka mid ahaa weeraryahanadii kooxda Arsenal,
Wenger ayaa isagoo ka hadlayay arrimaha Henry waxa uu sheegay in uu yahay oo kaliya ciyaaryahan tababar la qaata kaliya. “Ma dhihi kari hadda waan dooneynaa sababtoo ah weli maskaxdayda kama soo go’in mana kala hadal arrintaas Henry iyo kooxdiisaba.
Hase yeeshee Wenger waxa uu qirtey in Henry oo 34jir ah uu weli yahay ciyaaryahan ka ciyaari kara Premier League.
Si  kasta ha ahaatee mashaakilka uu la kulmi karo Wenger inuu dib ugu soo celin karo  kooxda Henry waxa ay tahay mushaarka uu qaato oo ceymis badan u baahan.
Source  - Laacib
Xafiiska Allsomali24.com
Muqdisho – Somalia