Ardayda Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho oo u fariistay Imtixaankii Semesterka 3aad [Sawiro]

Qardho[RBC Radio] Ardaydii ugu horeysa ayaa caawa 21-January-2012 si rasmi ah ugu fariistay Imitixaanka Semesterka 3aad ee Jaamacadda Bariga Soomaaliya Qardho, kuwaas oo ka kooban kuliyaddaha kala duwan ee Jaamadda.
Ardayaan ayaa waxa ay ka kala koobnaayeen kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Bariga Soomaaliya, kuwaas oo Todobaadyadii ugu dambeeyay ku jiray diyaar garow xoog leh.
Waxaa sidoo kale Jaamacadda Booqsho ku tagay Masuulyiin sare oo ka tirsan Maamulka Puntland kuwaas oo ka kale tirsan golayaasha dowladda.
Cali Maxamed Cali “Cali Hurre” Maamulaha Jaamacadda ayaa isag waxa uu ugu horeyn mahadcelin u jeediyey Masuulyiinta Booqshadda ku yimi Jaamacadda, isaga oo sidoo kale sheegay in ay u tahay guul iyo dhiiro gelin sida ay mar walba dadka degaanka ugu howlan yihiin in ay ku dhiiro geliyaan xoojinta waxbarshadda.
Xildhibaan C/qaadir Siciid Carshe “Dhaqaaje” oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Puntland ayaa ka mid ahaa masuulyiintii booqshadda ku tagtay Jaamacadda isaga oo ardayda u jeediyey dardaaran ku aadan in ay xoojiyaan waxbarshadooda.
“ Runtii Jaamacadda Bariga Soomaaliya, waxa ay buuxisay kaalin weyn oo xagga waxbarshadda Dalka ah, waayo Qardho waxa ay aheyd meelaha ugu horeya waxbarshadda Soomaaliyeed,maantay Jaamacadana waxaa rajeyneynaa in ay noqto mid guul gaarta.” Ayuu yiri Xildhibaan Dhaqaaje.
Sidoo kale Masuulyiinta Booqshadda ku tagtay Jaamacadda ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Waxbarshadda Gobolka karkaar Ustaad Bashiir Axmed Gaalo’eri  iyo Gudoomiyaha Waxbarshadda Degmadda Qardho Siciid Maxamed Faahiye, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin In jaamacadda Bariga Soomaaliya ay arday wax ka bartay Semesterkii 3aad ay u fariistaan imitixaankiisa.
Liibaan Cabdulahi Denni oo ka tirsan Aqoonyahanadda u dhashay Qardho ee wadda shaqeynta la leh Jaamacadda ayaa ka mid ahaan Masuulyiintii Booqshadda ku timi, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in Jaamacadda ay gaarto meel guul leh.
“Sanadka dambe waxaa rajeyneynaa in Jaamacadda ay noqto mida halka ay maantay mareyso ka sareysa,waayo bilowgii Jaamacadda ayaa ahaa mid ku socday welina ku socda si wanaagsan, waxaana mar walba ka codsanaa Jaaliyadaha u dhashay Qardho in ay muujiyaan taageero dhab ah oo ay la garab isataagaan Jaamacadda Bariga Soomaaliya.” Ayuu yiri Liibaan Cabdulahi Denni.
Imitixaanka ayaa la filayaa in uu socon doono illa iyo dhowrka cisho ee soo socda, waxaa uuna ku soo beegmaya xilli Jaamacadda ay u guurtay dhisme cusub oo ku yaal Xaafadda Kampo, kaas oo ardayda ka caawiyey in helaan adeegyo badan oo aysan horey u heli jirin.
Qoraalkan waxaa nasoo gaarsiiyey :
Xafiiska Warfaafinta Jaamcadda Bariga Soomaaliya
info@eastsomaliauniversity.com
www.eastsomaliauniversity.com