AllA QAAD BA,ANAA

UK-(GMN) Waa maanso cusub oo ka hadlaysa qasaaraha uu jaadku leeyahay
oo aanay shacabka soomaaliyeed weli fahmin,
hadey noqon laheyd xag dhaqaale iyo xag caafimaad intaba
hadal badani haan ma buuxshee bal ila ila aqrista
maansadii la magac baxdey-Alla qaad ba,anaa-maxuu show qof duleeye.
Inta aad qiyilaysoo
Qaadka aad daldalaysoo
Qarash aad ehelkaa iyo
Qaraabadaada u diidey
Oo u quuriweydey naftaada
Qaadka aad u hureyso
markaad laanta qaniintoo
Shaaha aad qac kasiiso
Qiiqu uu bul yiraahdo
Qabweyni uu ku gashaa iyo
Qaadku sheeko bilaasho
Qiyaaloo aan soconayno
Been beenoo qiilba lahayne
Alla qaad ba,anaa
Muxuu show qof duleeyey
Markuu gaaro qaliilo
Laanaad qaado ad weydo
Bargo uu qalbigaagiyo
Qamaan uu ku abuuro
Hurdo aad qaban weydo
Qaadirooto dharaarto
Qeyladii ubadkaagiyo
Qoyskaagii dhibsataabaad
Qoomameynin hadhoow eh
Alla qaad ba,anaa
Maxuu show qof duleeyey.
Qaribaada dalkeeniyo
Dagaalkaan uuba qabiilkiyo
Qoys-qoyskuu sababaa iyo
Kala qaybsanidaan
Qudha layska jaraayiyo
Qaxarkaan ina haysto
Qaadku uu ka danbeeyiyo
Qaylo dhaanta colaadee
Alla qaad ba,anaa
maxuu show qof duleeyey.
 
 
Hanti qoon badan ay
wadan quudan karaan iyo
Beelo qoysasa biisho
Ku noolaani qaraabo
Qado seegay barkoodbaa
Geedka qaad la yiraahdo
Qaribaada horseeda
Nafta qeyb la haroo
caafimaadkii qalqashaabaan
Qayilaad aan hurnaa eh
Qarashkaa badanoo
Aan qiyaasta lahayne
Alla qaad ba,anaa
maxuu show qof duleeyey.
 
 
Qoon hadii badanaa
Doorbidaan qayilaad iyo
Geedka qaad la yiraahdo
Culumadii qarnigaan
Markey aayad quraankiyo
Xadiiskii qaadka ka eegtay
Inuu qaadir banayno
Quudka uu ogolaan
Qeexeen oo soo bandhigeenoo
qiyaas taasi ahayne
Alla qaad ba,anaa
maxuu show qof duleeyey.
Naftiisii ruux qaribaayoo
Qaan gaar aanan ahayno
Si cad qaad u bareero
Qiyilaad dan u moodo
Qayrkood uuba ka reebay
Hooyo aan qarsanayno
Qoyskeedii danahiisa
Dharaartii qabanweydoo
Qiil intey u malaysay
Ku jiraa qoonka marqaansane
Alla Qaad ba,anaa
maxuu shoow qof duleeyey.
 
 
Intaasoo daano qaraaroo
Qasaaraa asagoo
Qaadku leeyahay oo
Mid la qaato lahayn
isla sii qumanee
Qaarkeen maanta rabaa oo
Qaad difaacahayaa oo
Qiil u yeelahayaa ,
Lunsanaa qalbigoodu
Jirkooduu qeyb la haroo
Quruxdoodi wacneydo
Qayiroo uu badloo
Qarashna uu u hanbeybaa
Qayilaad weli maanta
Hiloow qaad u qabaa eh
Alla qaad ba,anaa
Maxuu shoow qof duleeyey.
 
 
Hantidaas la qubaayoo
Naftaadii ku qasaasiyo
ku jareyso qudhaada
Hadey qiiro nasaaqdoo
Qoomameeyo dadkeenu
OO qaladaadka saxaan
Barkood qiil uma haayo
UU qafaashay naftoodee
Hantidaan qeyrkod cagaarkiyo
Geedkan qaad la yiraahdo
Ku qasaare ileene
Wax kalee ku qabtaan
Qarashkaas adag soow
Ma dhiseen qarankeeni
Qarnigaan dunsanaa
Alla Qaad ba,anaa
Maxuu shoow qof duleeyey.
  By-Durraan shyirwac
  Em-Durta21@hotmail.com
     London/Uk
Gedoonlinenews@gmail.com