Al-shabaab oo shacabka Baydhabo ka dhiganeysa gabbaad dagaal
(Muqdisho: 14-janaayo-2012) Muqdisho 14 January 2012 – Wararka laga helaayo dadka ku nool magaalada Baydhabo, oo qiyaastii 200km koofur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in argagixisada Al-shabaab ay Odayaasha, dhalinyarada, Ragga iyo Haweenka magaaladaasi, ku amartay in aysan ka bixin magaalada marka uu bilaawdo dagaalka laga filaayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Amarkan oo ka soo baxay hogaamiyaha ugu sareeya ururka Al-shabaab ayaa loogu hanjabay dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaasi in ay wajihi doonaan ciqaab aad u daran ama dil toogasho, hadii ay isaga baxaan magaalada marka uu bilaawdo dagaalka laga filaayo ciidamada qalabka sida.Iyada oo ay jiraan ammaradaan ayaa hadana dadka qaar waxa ay bilaabeen in ay si qarsoodi ah uga baxaan magaalada ka hor inta uusan billaabanin dagaalka, sida ay sheegayaan warbixinada laga helayao dadka deegaanka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Bile Nuur oo ka warbixiyay maqalka ficiladii ugu dambeeyay ee ururka Al-shabaab ayaa yiri, “Tani waa arin argagax ah. In shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo loo adeegsado gabbaad-dagaal waa arin aysan koox argagixisa ah aysan horay isugu dayin. Waxa ay u muuqataa in Al-shabaab aysan waxba ceebeysaneen, iyaga oo marba marka ka dambeeya anshax xumadoodu ay sii gaareyso meesha ugu hooseysa”.
“Hadii uu jiro qof ka shaki qabo habdhaqanka saxda ah ee Al-shabaab, waxaa daliil u ah midaan oo ah ficilkoodii ugu dambeeyay. Arxan darrada ay kula dhaqmayaan shacabka Soomaaliyeed waa mid aan xad lahayn.” Wasiir kuxigeenka ayaa intaasi ku daray.
“Jawaab ahaan, dowladda KMG ah waxa ay amartay dhamaan taliyayaasha ciidamada qalabka-sida ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah si ay u badbaadiyaan nolosha dadka shacabka ah ee ku xanniban magaalada Baydhabo, kuwaa oo Al-shabaab ay u gafeen xuquuqda bina’aadannimo oo ay ku badbaadinayaan nafsadooda iyo tan qoysaskooda, iyagoo doonaya in ay ka cararaan goob colaadeed”.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
















