Al-shabaab oo billowday inay barkacayaashii ku jiray Xerada Aala-Yaasir dib ugu celiso deegaannadoodii.

Xarakada Al-shabaab ayaa billowday qorshe ay dib ugu celinayso barakacayaasha ku jira xerada Aala-Yaasir ee shabeellada Hoose deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen.
Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxamed oo ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha ee Xarakada Al-shabaab iyo guddiga dib u dajinta ayaa sheegay in qorshahan uu yahay sidii ay dadku uga faa’iideysan lahaayeen roobabka dayrta ee billowday.
“Dadku inay wax tacbadaan oo aysan gacmaha hoorsan weeye sababta aan dib ugu celinayno deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen,” ayuu yiri Sheekh Suldaan oo intaas ku daray: “Waxaa billowday roobabkii dayrta deegaanaduna waa barwaaqo marka waxaan doorbidnay inaan dadka ku celinno deegaannadoodii.”
Sidoo kale, Sheekh Suldaan ayaa sheegay in qoysaska dib u dajirta loo sameynayo la siiyay raashin ay ku noolaadaan muddo bil ku dhow, sidoo kalena ay siinayaan miraha abuurka beeraha.
“Xeradu waxay furnayd muddo afar bilood iyo toban casho ah, waxaana dadka ay ku haysteen xerada raashin, dawo, waxbarasho iyo ammaanka,” ayuu yiri Sheekh Aala-Maxmaed, isagoo sheegay in shalay oo Sabti ahayd dib u dajin loo sameeyay 5,000-qoys oo ka mid ah barakacayaasha.
Madaxa guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka shabeellada hoose Sheekh Xuseen Xaaji Cabdi (Ow-gaab) oo isaguna ka hadlay dib u dajinta ay Xarkadu billowday ayaa sheegay in maanta oo Axad ah la dhameystirayo dib u celinta dadkii kasoo barakacay gobolka Shabeellada hoose, maalinta berri ahna la bilaabayo dib u dajin loo sameynayo dadkii kasoo barakacay gobollada Bay iyo Bakool.
Xerada Aala-Yaasir oo ku taala deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa lagu wadaa in albaabada la isugu dhufto, iyadoo ay ku noolaayeen muddadii ay furnayd kumannaan qoys oo barakacayaal ah.
Dhawaan ayaa waxaa xeradaas waxaa deeq isugu jirtay raashin iyo lacag ka bixiyay saraakiil ka tirsan Al-Qaacida, taasoo ahayd markii ugu horreysay oo ay Al-Qaacida gargaar bani’aadmanimo ka bixiso Soomaaliya.
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho