7 Khalad oo Caruurta laga galo

7 KHALAD OO CARUURTA LAGA GALO
Xuseen Baashaa
RBC Kampala
Inagu Khalad baynu ku sammeynnaa Xuquuqda Caruurteenna…waana Xaqiiqo aan muran lahayn… laakiinse sidee baynu ku daweyn karnaa Khaladaadkeenna?! Misna isaga ilaalin karnaa inaynu ku dhacno khaladaadkaasi?!
Khaladaadka ugu waaweyn ee suuragalka ah in ay Waalidku ku sammeeyaan Caruurtooda waxaa soo koobay Cilmi-baarisyo badan oo xagga Barbaarinta Casriga ah… waxayna ka digeen Cilmi-baarisyadaasi in Caruurta laga galo 7 Khalad oo waaweyn, kuwaasoo ay ka dhalanayso Natiijooyin aad u xun xun oo ku soo laabanaya Caruurta… waxayna kala yihiin sidatan :-
KU AMMAR TAAGLLAYN :
Taasoo macnaheedu yahay in Aabuhu Aragtidiisa ku qasbo Cunugga, isla markaana is hortaago Rabitaankiisa, xataa hadday tahay mid Sharciga waafaqsan… sidoo kale Hooyaduna waxaa suura gal ah in ay sammeyso Qaabkaas oo kale…markaa labadooduba waxay adeeg sanayaan Qaabka ad-adeygga xagga Barbaarinta…
ILAALINTA XAD-DHAAFKA AH :
Macnaha Ilaalinta Xad-dhaafka ah waxa weeye: in aan Cunugga la siin Fursaddii uu ku maarayn lahaa Arrimahiisa Khaaska ah…oo markaa ay labada Waalid ama midkood uu Cunugga Wakiil uga noqdo Maareynta Arrimahaas…Ilaalinta Xad-dhaafka ahi  waxay keeni kartaa isla Natiijooyinkii ay keeni kartay (KU AMMAR TAAGLLAYNTA), sida: In uu Cunuggu noqdo mid aan ku kalsoonayn Naftiisa, oo ay ka maqan tahay Geesinimadii loo baahnaa si uu u wajaho Xaaladaha adag ee ka hor imaan kara & in uu ku fashilmo la qabsiga Bulshada.
Fursad siin la’aanta Caruurta waxay keenaysaa in Ilmuhu Karti la’aan ku dhacdo oo uu xambbaari kari waayo Mas’uuliyadihiisa kala duwan, isagoo markaa ka dhigan Shakhsi ka mid ah Mujtamaca.
DARYEEL LA’AAN :
Sidoo kale Cilmi-baarisyada Barbaarintu waxay xaqiijiyeen in Khaladaadka ay Waalidku Caruurtooda ka geli karaan ay ka mid tahay: Daryeel la’aanta, taasoo loola jeedo in Cunugga faraha laga qaado isagoon lagu dhiiri gelin Hab-dhaqanka wanaagsan, isla markaana aan laga celin Hab-dhaqanka aan wanaagsaneyn.
Daryeel la’aantuna waxaa keeni kara Arrimo Dhaqaale ama Caafimaadka Waalidka oo aan wanaagsaneyn ama Aqoon la’aan.
4. KOOL-KOOLIN:
Macnaha Kool-koolintu waxa weeye: In Cunugga Dabacsanaan xad-dhaaf ah lagula dhaqmo, taasoo ka dhigan in Cunugga lagu dhiiri gelinnayo in uu u dhaqmo hadba sida uu Dookhiisa ka helo, isaga oo markaa aan la hageyn.
Natiijooyinka Cilmi-baarisyaduna waxay xaqiijiyeen in Kool-koolintu ay ka mid tahay Khaladaadka waalidiintu ay ka galaan Caruurtooda, maxaa yeelay waxay keenaysaa Natiijooyin aan sax ahayn, taasoo ah in Cunuggu u baaba’o Nafsad ahaan & in uu hagaagi waayo Xiriirka uu dadka kale la leeyahay.
5. QALLAF-SANAAN:
Sidoo kale Khaladaadka waxaa ka mid ah in Cunugga loola dhaqmo si Qallafsan, inta badanna waxaa ka dhasha Fuleynnimo oo uu Cunnuggu dareemayo Cabsi uu dadka kale ka qabo & Rabitaan uu rabo in uu ka aargoosto.
6. XAQIRID:
Cilmi-baarisyadu waxay caddeeyeen in Khaladaadka ilmaha laga galo ay ka mid tahay In la xaqiro ama la liido Cunugga, heerkuu doonaba ha joogee Cunugaasi, noocuu doonana ha ahaado Hab-dhaqankiisa), taasina waxay keenaysaa Isku dhexyaac & Cabsi joogta ah in uu dareemo taasoo ku riixaysa Cunugga in uu raaco Qaab aan fadhiyin oo uu uga dan leeyahay in uu indhaha Dadka isku soo jeediyo si ay u ixtiraamaan Naftiisa).
Waxay kaloo keenaysaa in mustaqbalka uu Cunuggaasi noqdo Xag-jir ama Cunsuri.
7. LABA-BOGLAYN & KALA SOOCID
Khaladaadka Waalidku ka galo Caruurta sidoo kale waxaa ka mid ah: Laba-boglaynta & Kala soocidda…
Laba-boglayntu waa:Xasillooni darrida ka timaadda Aabaha & Hooyada marka ay adeegsanayaan Qaababka Abaal marinta & Ciqaabidda Caruurta, taasoo aan isu dheeli tirnayn.
Taasina waxaa ka dhasha Lagddan Cunugga gudihiisa ah oo keenaya Khal-khal ku yimaada Sammaysankiisa Shakhsiyadeed & tan Naf ahaaneed… oo markaa wuxuu noqonayaa Cunuggu Shakhsi Isged-geddin badan, oo laba-wejiile ah, misna ku kala qaybsan Naftiisa.
Kala-soociddu waa: Caruurtiyoo la kala xigsado, oo aan si simman loo barbaarin, qaabkaana wuxuu keenaa in Cunuggu noqdo Shakhsi Daneyste ah (Anaani), oo Cuqdad badan, isla markaana Madax-adag.