3 Nin oo lagu diley Dameeraale oo Gaalkacyo 75 km u jirta

DaabacoSaaxib u dir

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo oo horey u diley labo nin oo reer Puntland ah ayaa maanta Ciidanka Puntland isku dayeen inay soo qabtaan, israsaaseyn ka dib waxaa halkaas ku dhintey 3 ka mid ah maleeshiyaadka, dhinaca Ciidanka Puntland wax khasaare ah masoo gaarin,

Howlgalkaan ayaa ka dhacay meel u dhow  Dameeraale oo 75 km kaga beegan dhinaca bari magaalada Gaalkacyo.
Maleeshiyaadkaan ayaa ahaa kuwo fara kulul ku hayay dadka Reer Miyiga ah,  iyo iyagoo dhowr jeer isku dayay inay dhacaan Xooli ama dad rayid ah laayaan.
Puntlandi.com
Gaalkacyo