2 carruur ah oo ku geeriyootay xerada Badbaado
Labo carruur ah ayaa maanta cudurka jedeecada ugu geeriyootay xerada ay ku nool yihiin dadka ay soo barakiciyeen abaaraha ee Badbaado ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.Gudoomiye ku xigeenka degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, Cabdullaahi Ibraahim Liiban ayaa waraysi uu siiyay Bar-kulan ugu xaqiijiyay geerida labadaasi carruurta ah, isagoo sidoo kale sheegay in xerada Badbaado ay maalin kasta soo gaaraan ilaa boqol qoys oo ka soo cararay aabaaraha xooggan ee ku dhuftay gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose.Cabdullaahi Ibraahim ayaa sheegay in qaar ka mid ah qoysaska ku nool magaalada Muqdisho ay xeradaasi nolol u raadsadaan, wuxuuna tilmaamay inay haatan xerada Badbaado ku nool yihiin 5 kun oo qoys, taasoo ka badan tiradii loogu talagalay.Xerada Badbaado ayaa waxaa dhowaan hirgelisay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, si loo dajiyo dadka ku barakacay abaaraha ee ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho.Maqaaladda La Xiriira:
- Howlo gargaar oo ka socda xerada Badbaado ee Muqdisho
- Xerada Badbaado oo saldhig boolis laga furayo
- Wafdi ka kala socday Qadar iyo Imaaraadka oo booqday Badbaado

















Comments
Post new comment