Latest Videos

Horseed v M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)
Thursday, November 21, 2019 - 07:28
(Muqdisho) 21 Nof 2019. Garoonka Eng Yariisow Stadium ayaa galabta wuxuu marti soori doona ciyaarta kama dambeysta dhacdada final-ka koobka General Daa’uud ee fasal ciyaareedkan.
Kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa ku coltami doona cooska mac-malka ee yaala garoonka Eng Yariisow, iyagoo dheeshan midba midka kale ay u tahay ciyaar weyn, Horseed ku rajo weyn in ay ka aarsato wiilasha Muqdisho City Club oo sanadkii hore ka qaaday koobkan, halka Muqdisho City Club ay u dagaalami doonto inay difaacato koobkan, si sanadkii labaad oo xiriir ah  ay qaado.XAQIIQOOYINKA KULANKAN:-
Kooxda kubadda cagta Horseed kulankii ugu dambeyay ee wareegga afar dhammaadka waxay ka soo adkaatay naadiga Gaadiidka ciyaar ku soo dhammaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday wiilasha Horseed.
Wiilasha Muqdisho City Club kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxay rigoorayaal 4-1 ugu soo tallaabtay kooxda Geeska Afrika.
Labadan kooxood ee Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay  isku arkan kama dambeysta dheesha koobka General Daa’uud xilli markaas loo awood sheegtay wiilasha Macallin Cabdi Joon ee Horseed kaddib markii lagu lagday rigooreyaal 4-3, ciyaarta waqtigii loogu tala galay waxay ku soo dhammaatay 1-1.
Ciyaaryahan Farxaan Duqow ayaa wali xusuusan kaarkii casaanka uu qaatay sanadkii la soo dhaafay final-ka koobka General Daa’uud, isagoo iminka diyaar u ah inuu si awood leh u wajaho kooxda Muqdisho City Club.
Horseed iyo Muqdisho City Club sanadkan waxay kuwada jireen Guruup-ka B, iyaagoo isku soo arkay marxaladda Guruup-yada, waxayna kulankooda ku kala baxeen barbaro goolal la’aan 0-0.
Kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed kulan ciyaareedkan waxay weyn doontaa xiddigeeda weerarka ugu ciyaaro ee Bernado, kaasoo ku seegaya dheeshan kaararka digniinta (Jaalleyaal).
Tababare Cabdi Joon ayaa markii saddexaad oo xiriir ah gaaray finaal-ka koobka xiisaha badan ee General Daa’uud isagoo mar kula guuleystay Kooxda Elman, halka marna isagoo hoggaaminya Naadiga Horseed laga qaaday, galabtana waxaa markale uu diyaar u yahay inuu dheelo final-ka General Daa’uud isagoo hoggaaminaya Horseed.
Macallin hoggaamiya kooxda Muqdisho City Club Mahamed Masteri ayaa galabta dheeli doona final-kiisii ugu horreyay tan iyo markii uu badalay macalinkii hore kooxda M.C.C ee Hussein Mblango, isagoo raba inuu koobkan General Daa’uud la qaado kooxdan.Ogeysiis Ciyaarta:-Tartanka: Final-ka Koobka General Daa’uudKooxaha: Horseed FC vs Muqdisho City ClubGaroonka: Eng Yariisow StadiumSaacadda: 3:30 galabnimoMaalinta: KhamiisTaariikhda: 21-11-19Qiimaha Kulanka: Lacag la’aanJawiga Garoonka: 30°cW/D: C/fitaax NaniGool FM.
Zlatan, Dybala & Bruno Fernandes oo qeyb ka ah magacyada Shan ciyaaryahan uu la saxiixan karo Jose Mourinho
Wednesday, November 20, 2019 - 14:46
(London) 20 Nof 2019. Jose Mourinho ayaa loo magacaabay badelka Pochettino ee kooxda Tottenham Hotspur, wuxuuna durba isha ku heyn doonaa ciyaaryahano cusub si uu ula soo saxiixdo suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Jose Mourinho ayaa markale ku soo laabtay liiska tababarayaasha horyaalka Premier League, kaddib markii uu noqday badelka Mauricio Pochettino oo laga ceyriyay shaqada tababarka ee kooxda Tottenham Hotspur.
Macalinka reer Argantina ayaa shalay oo Arbaco ah laga ceyriyay kooxda ka dhisan Waqooyiga magaalada London, sababa la xiriira hoos u dhac ku yimid natiijooyinka Spurs-ka ee kulamada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigtay in Mourinho uu soo laabto kaddib mudo 11 bilood uu ka maqnaa saaxada tababarka.
Madaxa kooxda Tottenham ee Daniel Levy ayaa kaddb magacaabistiisa Jose Mourinho, wuxuu ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu guulaha badan kubadda cagta.
Haddaba Jose Mourinho ayaa kaddib markii loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda Tottenham Hotspur, waxay wararku sheegayaan inay u badan tahay inuu si xoogan u gali doono suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.
Magacyada xiddigaha la filayo inuu isha ku heyn doono tababare Jose Mourinho ayaa waxaa ka mid ah, Nemanja Matic, Zlatan Ibrahimovic, Paulo Dybala, Bruno Fernandes iyo Nathan Ake.Gool FM.
Man United oo soo bandhigtay dalab aan la rumeysan Karin si ay u hesho saxiixa Erling Braut Håland
Wednesday, November 20, 2019 - 14:15
(Manchester) 20 Nof 2019.Kooxda Manchester United uu hoggaaminayo tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa u muuqata inay ku dhow dahay lasoo saxiixashada weeraryahanka reer Norway iyo naadiga RB Salzburg ee Erling Braut Håland inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo aadan.
Erling Braut Håland ayaa ku jira qaab ciyaareed wanaagsan, isagoo dhaliyay 26 gool, 18 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan kooxdiisa RB Salzburg dhamaan tartamada kala duwan.
Weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Håland ayaa lala xiriirinayaa kooxo badan oo qaarada Yurub ka dhisan, kaddib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa uu sameeyay kulamadii tartanka Champions League uu kaga soo muuqday xilli ciyaareedkan.
Manchester United ayaa diyaar u ah in 100 milyan euro ay u soo bandhigto kooxda Red Bull Salzburg si ay u la wareegaan gooldhaliyahooda ugu sarreeya ee Erling Braut Håland suuqa xagaaga, sida laga soo xigtay war sidaha “The Guardian” ee dalka England.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan, inkastoo au Manchester United miiska u soo saartay kooxda Red Bull Salzburg qiimo xoogan si ay ula saxiixato Erling Braut Håland, haddana waxay loolan adag kala kulmi doonaan kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus.Gool FM.
Liiska 10-ka tababare ugu mushaarka badan Premier League, kaddib soo laabashada Jose Mourinho
Wednesday, November 20, 2019 - 14:15
(London) 20 Nof 2019. Jose Mourinho ayaa markale ku soo laabtay liiska tababarayaasha horyaalka Premier League, kaddib markii maamulka kooxda Tottenham Hotspur ay ku dhawaaqeen inay u magacawday macalinkooda cusub, si uu u leyliyo kooxda xilli ciyaareedkan, isla markaana uu u noqdo badelka Mauricio Pochettino.
Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” Jose Mourinho ayaa 15 milyan ginni ka heli doona kooxda Tottenham Hotspur, taasoo ka dhigeysa inuu yahay macalinka labaad ee mushaarka ugu badan ka qaata kooxdiisa horyaalka Premier League
Macallinkii hore ee kooxaha Chelsea iyo Manchester United ee Jose Mourinho ayaa qalinka ugu duugay Spurs heshiis ku eg illaa xilli ciyaareedka 2022-23.
Pep Guardiola ayaa kaalinta koowaad kaga jira liiska macalimiinta mushaarka ugu badan ka qaata kooxdooda, wuxuuna sanadkii ka qataa  Manchester City lacag dhan 20 milyan ginni.
Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska macalimiinta mushaarka ugu badan ka qaata kooxdooda, waxayna kala yihiin:
Pep Guardiola (Man City) 20 milyan ginni.
Jose Mourinho (Tottenham) 15 milyan ginni.
Jurgen Klopp (Liverpool) 7.5 milyan ginni.
Ole Gunnar Solskjær (Man United) 7.5 milyan ginni.
Manuel Pellegrini (West Ham) 7 milyan ginni.
Unai Emery (Arsenal) 7 milyan ginni.
Ralph Hasenhüttl (Southampton) 6 milyan ginni.
Frank Lampard (Chelsea) 5.5 milyan ginni.
Brendan Rodgers (Leicester City) 5 milyan ginni.
Eddie Howe (Bournemouth) 4 milyan ginni.Gool FM.
Muxuu Mauricio Pochettino ka yiri Jose Mourinho ka hor inta aan laga ceyrin Tottenham Hotspur?
Wednesday, November 20, 2019 - 12:27
(London) 20 Nof 2019. Macalinkii hore kooxda Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino ayaa ku tilmaamay  Jose Mourinho inuu yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu wanaagsan adduunka.
Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah u shaacisay in Jose Mourinho ay u magacawday macallinka cusub ee kooxda, kaddib markii ay shalay oo Arbca ah shaqada ka ceyriyeen macalinka reer Argantina ee Mauricio Pochettino.
Yeelkeeda, amaanta Mauricio Pochettino ee ku aadan dhigiisa reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa waxay timid kahor inta aan laga ceyrinin shaqada kooxda Tottenham Hotspur,.
Bilowgii xilli ciyaareedka, Jose Mourinho ayaa sheegay in Tottenham ay si aad ah kula tartami doonto hanashada horyaalka Premier League kooxaha Manchester City iyo Liverpool.
Mauricio Pochettino ayaa bishii August ee lasoo dhaafay wuxuu ka jawaab celiyay hadalka Jose Mourinho wuxuuna yiri:
“Waan jeclahay Jose Mourinho”.
“Waxaan wada ognahay inuu yahay nin xariif ah, mararka qaarna jees-jees badan, taasina waa sababta uu u yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka”.
“Waan ixtiraamayaa aragtidiisa waana ku faraxsanahay waxa uu ka yiri tartanka aan kula jirno kooxaha Liverpool iyo Man City ee ku aadan hanashada horyaalka”.Gool FM.
Miyey Kooxda Real Madrid Suuqa bisha Janaayo iibinaysaa Isco?
Wednesday, November 20, 2019 - 11:15
(Madrid) 20 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la xaqiijiyey haddii ay iibinayso iyo haddii kale ciyaaryahankeeda Isco marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo ee horraanta sanadka cusub.
Real Madrid ayaa la soo warinayaa inaysan doonayn inay iska iibiso ciyaaryahankeeda Isco inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bisha Janaayo, inkastoo ciyaaryahanku uu hal ugu jiray inuu tago xilli ciyaareedkan.
27-sano jirkaan ayaa kaliya lix kulan u saftay horyaalka La Liga kooxda Los Blancos intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkan 2019-20, halka uu kaliya hal kulan ka soo muuqday afartoodii kulan ee ay dheeleen Champions League.
Sidaasi awgeed waxaa la soo jeediyey in Real Madrid ay eegeyso inay iibiso ciyaaryahanka reer Spain bilowga sanadka 2020, laakiin sida ay warinayso Jariiradda Marca, taasi ma dhici doonto suuqa kala iibsiga xiddigaha ee soo aaddan.
Dhaawac muruqa ah ayaa weeraryahankan seejiyey lix kulan horraantii xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo shaxdii ugu horreysay ee Zinedine Zidane markii uu ku soo laabtay taam ahaanshihiisa.
Isku soo wada duuboo, kubbadsameeyahan, kaasoo sidoo kale lumiyay booskiisii xulka qaranka Spain ayaa dhaliyay 48 gool 284 kulan oo uu u saftay Real Madrid tan iyo markii uu kaga yimid Kooxda Malaga.
Dhinaca kale da’yarkii hore ee kooxda Valencia ayaa heshiiskiisa haatan ee garoonka Bernabeu waxa uu ku eg yahay illaa xagaaga 2022-ka.Gool FM.
Tababare Cabdi Joon oo Taariikh cusub sameeyey
Wednesday, November 20, 2019 - 08:29
(Muqdisho) 20 Nof 2019. Tababare Cabdi Joon ayaa taariikh wanaagsan ka sameeyay dhacdada tartanka koobka General Daa’uud kaddib markii saddexaad oo uu gaaray final-ka tartankan General Daa’uud.
Hoggaamiye Cabdi Joon waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan ee jooga dalka isagoo la la meel dhigo macallin Jose Mourinho marka loo eego falsafada uu isticmaalayo tababarahan.
Cabdi Joon ayaa gaaray markii saddexaad oo xiriir ah final-ka koobka General Daa’uud isagoo hoggaaminaya kooxo kala duwan, sida Elman iyo kooxda iminka uu horkacayo ee Horseed.
Kooxda Elman ayuu kula guuleysatay koobka General Daa’uud sanadkii 2017-kii xilligaas oo ay ka qaadeen naadiga Jamhuuriya, isla sanadkii ku xigay wuxuu qabtay naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed wuxuuna sanadkaas la gaaray final-ka koobka General Daa’uud, balse nasiib-darro Horseed waa laga qaaday waxaana ka gacan maroojisay koobka naadiga Muqdisho City Club.
Sidoo kale sanadkan 2019 ayuu taagan yahay markale final-ka koobka General Daa’uud wuxuuna la ballansan yahay ciyaarta kama dambeysta ah kooxda Muqdisho City Club, taas oo la xusuusto in sanadkii la soo dhaafay ay ka qaatay koobkan, balse uu rabo inuu ka aar-guto Kooxdan M.C.C.
Macallin Cabdi Joon ayaa soo leyliyay kooxo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa, Gaaska 2003-dii, Jeenyo oo xilligaas oo yaqaanay Gaheyr sanadkii 2004-tii, Savaana oo hadda loo magac bixiyay Batroolka sanadkii 2005-tii iyo kooxda Elman.
Tan iyo markii loo dhiibay xilka macallinimo ee Kooxda Horseed Cabdi Joon ayaa wax badan ka badalay Naadigan, iyadoo la xusuusto sanadkii la soo dhaafay in si dhib ah loogu qaaday horyaalka Somali Premier League.
Sidoo kale Kooxda Horseed wuxuu ku soo biiriyay dhowr ciyaartooy oo ka kala keensaday kooxaha dalka, kuwaasoo iminka halbowle u ah kooxdan.
Final-ka koobka General Daa’uud ayaa lagu wada in la ciyaaro maalinta bari ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 21-bishaan, Horseed oo ku taamaysa inay ku guuleysato Koobka General Daa’uud oo goor hore ugu dambeysay iyo kooxda Muqdisho City Club oo doonaysa inay difaacato koobkan.W/D: C/fitaax NaniGool FM.
RASMI: Jose Mourinho oo loo magacaabay macallinka cusub ee Kooxda Tottenham kaddib markii la cayriyey Pochettino
Wednesday, November 20, 2019 - 07:51
(London) 20 Nof 2019. Tababare Jose Mourinho ayaa loo magacaabay macallinka cusub ee kooxda Tottenham kaddib markii shaqada kooxdaas laga cayriyey Mauricio Pochettino.
Macallinkii hore ee kooxaha Chelsea iyo Manchester United ee Mourinho ayaa qalinka ugu duugay Spurs heshiis ku eg illaa xilli ciyaareedka 2022-23.
Guddoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy ayaa xaqiijiyey inay Mourinho u magacaabeen macallinka cusub ee naadiga waxaana uu sheegay inuu yahay mid ka mid ah macallimiinta ugu guulaha badan kubadda cagta.
56-sano jirkaan Portuguese-ka ah ayaa ku guuleystay saddex horyaalka Premier League labadii waqti ee kala duwanaa oo uu la qaatay Chelsea, sidoo kale waxa uu dib ugu soo laabtay England isagoo maamule u ahaa Manchester United tan iyo sanadkii 2016-kii.
Bishii December ayaa Jose laga cayrisyey shaqada kooxda Manchester United, laakiin markale ayuu dib ugu soo laabtay dalka Ingiriiska isagoo hadda Laylin doona kooxda Tottenham.
Pochettino ayaa shaqada kooxda laga cayriyey wax ka yar lix bilood markii uu kooxda geeyey Final-kii Champions League, waxaana uu kooxda ka dhaqaajin waayey booska 14-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kaddib markii la ciyaaray 12-kii kulan ee ugu horreeyey horyaalka.
Mourinho kaasoo sidoo kale soo maamulay Kooxaha Porto, Real Madrid iyo Inter Milan ayaa iska diiday fursado uu macallin ugu noqon karay kooxo badan oo ka dhisan Shiinaha, Spain iyo Portugal tan iyo markii uu ka tagay garoonka Old Trafford.
Kulankiisa ugu horreeya waxa uu Jose Mourinho Laylin doonaa Tottenham ciyaarta London Debry oo ay booqanayaan West Ham United Sabtida soo aaddan.Gool FM.
RASMI: Kooxda Juventus oo heshiis cusub ka saxiixatay Leonardo Bonucci… + SAWIRRO
Tuesday, November 19, 2019 - 17:20
(Turin) 19 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ku dhawaaqday inay heshiis cusub ka saxiixatay goor dhow kabtan ku xigeenkeeda.
Juventus ayaa heshiis cusub oo gaarsiisan illaa sanadka 2024-ka waxa ay ka saxiixatay kabtan ku xigeenkeeda Leonardo Bonucci.
Kooxda reer Talyaani ee Juve ayaa heshiis cusboonaysiintan ku xaqiijisay boggeeda rasmiga ah, waxaana ay sheegtay in Bonucci uu qandaraaska u kordhiyay kooxda xilli ciyaareedyo kale.
Daafacan dib ugu soo laabtay Bianconeri kaddib markii uu ka soo tagay Milan xagaagii 2018 ayaa door muhiim ah ka qaatay booskooda daafaca, iyagoo ku guuleystay markale Scudetto.
Waxaa loo soo dalacsiiyey doorka kabtannimo, halka Giorgio Chiellini uu ka soo kabsanayo dhaawac.
Heshiiskan cusub oo uu saxiixay 32-sano jirkaan ayaa kooxda ku sii hayn doona illaa uu ka gaarayo da’da 37-sano.
Dhinaca kale Sky Sport Italia ayaa warinaysa in Szczesny uu cusbooneysiin doono qandaraaskiisa kooxda illaa sanadka 2024-ka, halka Cuadrado uu qarka u saaran yahay inuu saxiixo heshiis ku eg ilaa sanadka 2022-ka, iyadoo ay jirto ikhtiyaar loo siinayo inay ku darsan karaan sanad dheeri ah.SAWIRRO:Gool FM.
Yaya Toure oo shaaca ka qaaday in laacib haatan ka tirsan Man United uu yahay kii ugu adkaa ee uu ka hortagay waayihiisa ciyaareed
Tuesday, November 19, 2019 - 14:25
(Manchester) 19 Nof 2019. Ciyaaryahankii hore ee Manchester City, Yaya Toure ayaa shaaca ka qaaday in laacib haatan ka tirsan Kooxda Manchester United uu yahay xiddigii ugu adkaa ee uu ka hortagay intii uu ku guda jiray waayihiisa ciyaareed.
Yaya Toure waxa uu daaha ka horay in laacibka khadka dhexe ee Manchester United, Nemanja Matic inuu yahay midkii ugu adkaa ee uu wajahay inuu uu ku guda jiray xirfaddiisa ciyaareed.
Toure ayaa siddeed xilli ciyaareed ku qaatay garoonka Etihad, waxaana uu ku guuleystay saddex horyaalka Premier League iyo hal FA Cup, isagoo iska dhigay mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican Premier League.
Xiddiga reer Ivorian kaasoo guud ahaan 316 kulan u saftay Manchester City ayaa kooxdaas isaga tagay sanadkii 2018-kii, waxaana uu haatan u ciyaaraa kooxda Shiinaha ka dhisan ee Qingdao Huanghai.
Isagoo ka jawaabayay ciyaaryahankii ugu adkaa ee uu wajaho intii uu ku guda jiray xirfaddiisa ciyaareed, Toure ayaa u sheegay Jariiradda The Times: “Nemanja Matic waxa uu ahaa mid dhib badan, isagu ma deg-deg badna, laakiin waa nin xoog badan oo xariif ah.
“Dhammaan inta kale ee ka soo horjeedda, maxaa yeelay waxaan had iyo jeer u fiirsanayay si taxaddar leh ciyaarta ka hor, waxaana helayaa daciifnimadooda.”
Hal ciyaar oo ay Matic saameyntiisa guud ku lahayd khadka dhexe ayaa soo baxday markii Yaya Toure oo ka tirsanaa Man City ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Chelsea oo uu maamulayey Macallin Jose Mourinho taasoo uu ku jiray xiddiga xulka qaranka Serbia, waxaana qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee Matic ay ka caawisay in  Citizens ay la kulmaan guuldarradii ugu horreysay ee gurigooda ku soo gaarta xilli ciyaareedkii 2013-14.Gool FM.
Qisada ciyaaryahan aan hadda ka hor wax badan ka aqoon kubadda Koleyga, Aabihiis oo doonayey inuu Baaderi noqdo xilli maantana uu ku qiimeysan yahay $130 milyan
Tuesday, November 19, 2019 - 11:18
(Toronto) 19 Nof 2019.  Wiilka da’da yar ee reer Cameroon Pasca Siakam oo haatan 25-sano jir ah ayaa noloshiisu si cajiib ah isu beddeshay sanado yar gudaheed, isagoo guul weyn ka gaaray ciyaarta kubadda Koleyga NBA-da Mareykanka.
17-kii sano ee ugu horreysay noloshiisa Siakam wax badan kama garaneyn kubadda Koleyga, waxaana 1994-kii uu ku dhashay magaallada Douala ee Cameroon, waana wiilka ugu yar 6 walaallo ah.
Dhererkiisu waa (6.9 feet) ama 2.6 m, waxaa sanadihii ugu horreysay dhallinyaranimadiisa loo tababarayay baaderinimo uu ka baranayay tuulo yar oo ku taalla Cameroon oo lagu magacaabo Bafia, iyadoo Aabihii uu ku rajo weynaa in uu wiilkiisu noqdo Baaderi.
Sanadkii 2011-kii, waxaa Siakam oo aad u jeclaa kubadda cagta uu tababar kubadda koleyga ah isaga iyo saaxiibadiisu u tageen garoon uu sameeyay laacibka reer Cameroon ee NBA-da Mareykanka ka dheela Luc Mbah a Moute, waxaana tababarkaasi uu guud ahaan wax ka beddelay nolosha wiilkan dhallinyarada ah ee Siakam.
Wixii waqtigaa ka dambeeyay waxaa Siakam uu ciyaarta Basketball-ka u dheelayay xiiso ahaan illaa markii dambe uu soo jiitay indhaha caalamka isagoo 17 jir ahaa.
Sanad kaddib Siakam waxaa xiriirka kubadda Koleyga Mareykanka ee NBA-da uu uga yeeray barnaamij kubadda koleyga ah oo lagu qabtay South Africa.
Maanta ciyaaryahan Siakam waa xiddiga kooxda ka dhisan magaallada Toronto ee dalka Canada ee la yiraahdo Toronto Raptors taasoo ka ciyaarta NBA-da Mareykanka ee ay ku mideysan yihiin kooxaha USA iyo Canada, waxaana uu u horseeday Koobkoodii ugu horreeyay ee kubadda koleyga Mareykanka 2019.
Waxa uu Siakam ku guuleystay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay laacibkii ugu fiicnaa NBA-da, isagoo haatan qiimaha uu suuqa ka gooyo ay dhan tahay 130 milyan oo dollar.W/D: Yaxye YuusufGool FM.
Erling Haaland Aabihiis oo booqday xerada Tababarka Kooxda Manchester United
Tuesday, November 19, 2019 - 09:11
(Manchester) 19 Nof 2019. Aabaha dhalay Weeraryahanka Kooxda Red Bull Salzburg ee Erling Haaland ayaa booqday xerada tababarka Manchester United, iyadoo la soo jeedinayo in Red Devils ay u dhowdahay inay la soo wareegto da’yarkan.
19-sano jirkaan ayaa dhaliyey 26 gool 18 kulan oo uu u saftay Kooxda Salzburg xilli ciyaareedkan oo ay ku jiraan todobo gool oo uu ka dhaliyey afartii kulan ee uu ciyaaray Champions League intii lagu guda jiray bilowga xilli ciyaareedkan.
Man United ayaa loo maleynayaa inay isha ku hayso bisha Janaayo heshiiska xiddiga heerka caalami ee reer Norway, waxayna isku diyaarinaysaa inay amaah ku qaadato Salzburg inta ka dhimman xilli ciyaareedka si ay uga xadaan kooxaha kula xafiiltamaya.
Sida ay warinayso The Athletic Haaland Aabihiis Alf-Inge Haaland ayaa dhawaan lagu arkay xerada tababarka Man United ee Carrington, taasoo sii hurineysa soo jeedinta ah inay u soo dhaqaaqaan soo qaadashada laacibkan.
Alf-Inge ayaa u soo ciyaaray labo ka mid ah kooxaha sida weyn ula xafiiltama Man United intii uu ku jiray xirfaddiisa ciyaareed, isagoo matalay Leeds United intii u dhaxaysay sanadihii 1997  illaa 2000 ka hor inta uusan u ciyaarin Manchester City intii u dhaxeysay 2000 illaa 2003.
Barcelona, Real Madrid iyo Juventus ayaa dhammaantooda xiiseynaysa saxiixa xiddigan xulka qaranka Norway kaasoo  macallinka Red Devils ee Ole Gunnar Solskjaer kaga soo hoos ciyaaray kooxda Molde.Gool FM.
Kooxaha Manchester United iyo Arsenal oo ku tartamaya saxiixa Dejan Kulusevski
Tuesday, November 19, 2019 - 09:11
(Manchester) 19 Nof 2019. Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa la soo warinayaa inay ku tartamayaan saxiixa da’yarka reer Swedish ee Dejan Kulusevski, waxaana ay doonayaan inay la soo wareegaan xagaaga soo socda.
19-sano jirkaan ayaa heshiis joogto ah kula jira Atalanta BC, laakiin waxa uu haatan amaah kula joogaa naadiga Parma, waxaana uu u dhaliyey labo gool isagoo u sameeyey shan caawin oo kale 12-kulan oo uu u saftay hroyaalka Serie A xilli ciyaareedkan.
Sida uu warinayo Wargeyska The Sun, labada kooxood ee Man United iyo Arsenal ayaa xiiseynaya laacibkan khadka dhexe, kaasoo la rumeysan yahay in kooxda milkiyaddiisa leh uu ugu qiimeysan yahay adduun dhan 40 milyan oo gini.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Inter Milan ay weli ku jirto booska adag ee ay ku doonayaan inay ku soo xero-geliyaan da’yarkaan, inkastoo Kooxda reer Talyaani ay tartan adag kala kulmi doonto labo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn dalka England.
Macallinka kooxda Gunners ee Unai Emery iyo Hoggaamiyaha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegay inay la dhacsan yihiin kartida hal abuurka khadka dhexe iyo heerkiisa shaqada.
Kulusevski oo inta badan ka shaqeynayay dhanka midig ee Parma xilli ciyaareedkan, ayaa Atalanta kaga soo biiray kooxda reer Sweden ee Brommapojkarna sanadkii 2016-kii.Gool FM.
Saddexda Nin ee Saaxiibka la’ah Neymar, Shaqooyinka cajiibka ah oo ay u qabtaan & Sababta uu lacagaha faraha badan u siiyo
Monday, November 18, 2019 - 18:31
(Paris) 18 Nof 2019. Neymar Jr waa xiddiga ugu qaalisan kubadda cagata dhibna kuma ahan in uu lacago badan bixiyo haddaba su’aasha weyn waxa ay tahay waa maxay yihiin saddexda Nin ee saaxiibka la’ah, shaqooyinka cajiibka ah oo ay u qabtaan iyo sababta uu lacagaha faraha badan u siiyo?.
Jariiradda The Sun ee dalka Ingiriiska ayaa warinaysa in Neymar uu leeyahay koox saaxiibo ah oo lagu magacaabo ‘parcas’ oo luqada Portugal marka laga soo tarjumo noqonaysa ‘bahwadaag’.
Kooxdan waxa ay ka kooban yihiin saddex nin oo saaxiib la’ah Neymar, waxaana kuwa uu aadka u aamino, waxaana uu bil waliba mushahar ahaan u siiyaa 100 kun oo gini.
Hadda wax ka ogow saddexdan nin ee saaxiibka la’ah Neymar Jr oo lacagaha badan ka qaata shaqada ay u qabtaan laacibka reer Brazil.
[embedded content]Gool FM.
Zidane oo ku waalan saxiixa Kylian Mbappé iyo Florentino Pérez oo heysta sababo uu ku diidi karo
Monday, November 18, 2019 - 15:14
(Madrid) 18 Nof 2019. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku waalan fikrada uu qorsheenayo inuu kula soo saxiixdo xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan iyo naadiga PSG ee Kylian Mbappé xilli ciyaareedka soo socda.
Shabakada “Diario Gol” ayaa soo warisay in Zidane uu ku waalan yahay fikrada uu kula soo saxiixanayo Kylian Mbappé, laakiin madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez ayaan dooneynin inuu raaco wadadan waalida ah ee ku sii jeeda dhanka suuqa kala iibsiga.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez uusan xilligan diyaar u aheyn in la sameeyo saxiixa Mbappé, si uu Zinedine Zidane ugu rumeeyo riyadiisa.
Sababta ugu horeysa uu ku diidan yahay Florentino Pérez xilligan saxiixa Mbappé ayaa waxay tahay in qandaraaskiisa PSG uu gaarayo illaa iyo dhamaadka xagaaga 2022, isla markaana kooxda reer France ay si cad u sheegtay inaysan qorsheeneynin inuu si fudud kaga dhaqaaqo laacibkeedan.
Sida laga soo xigtay Shabakada “Diario Gol” Sababta labaad ayaa waxay tahay in qiimaha ciyaaryahanka uu yahay mid aad u sareeya, waxaana Real Madrid ay ku qasbanaan doontaa inay ku dhawaad miiska u saarto PSG qiimo dhan 400 milyan euro, si loo dhameystiro heshiiska.
Florentino Pérez ayaa wuxuu u arkaa in qiimahan sare ee la duldhigay Kylian Mbappé uu yahay mid xadka ka baxsan, sidaas darteed uu meesha ka saaray fikrkooda ahaa u dhaqaaqista saxiixa weeraryahankii hore ee kooxda Monaco.
Waxaa jirta sabab kale ee ka dhigeysa in Florentino Pérez uu ku dhaganaado fikirkiisa diidmada ah, maadaama uu u arko in imaatinka Kylian Mbappé ee kooxda Real Madrid ay sababi karto isku dhac ka dhasha gudaha qolka labiska ee garoonka Santiago Bernabéu.Gool FM.