Latest Videos

Daawo: Cristiano Ronaldo Oo Gool Adduun Kale Ka Yimid Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid, Qaabka Ay U Dhacday & Qaab La Yaab leh Oo Uu U Dabaal Degay
Monday, September 17, 2018 - 23:00
Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay kooxda Real Madrid suuqii xagaaga isaga oo ku biiray kooxda Juventus soona Afjaray muddi 9 sano ah oo uu joogay kooxda caasimada Spain.Waxa maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay ciyaar gacmeedka FIFA 19 oo soo baxaya xilli qiimaynta xiddigaha iyo waliba wax yaabo badan la soo bandhigay.Xiddiga Ronaldo ayaa ciyaar gacmeedka FIFA 19 Kaga hor tagay kooxdiisii Hore Ee Real Madrid Isaga oo waliba ka dhaliyay Gool adduun kale ka yimid una dabaal Degay qaab cusub oo cajiib ah Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan
XOG-OGAAL NOQO: In Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Rekoodh Isku Haystaan, In Real Madrid Xusuus Khaas Ah Ku Leedahay Iyo Xog Dhamaystiran Oo Aad Uga Baahan Tahay Heerka Groupyada Champions League.
Monday, September 17, 2018 - 23:00
Ugu dhawaan waxaa soo dhamaaday billo iyo maalmo badan oo la sugayay tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League waxayna jamaahiirta kubbada cagta aduunku dib u heli doonaan tartanka kubbada cagta heerka kooxaha ugu xiisaha badan ee UEFA Champions League kaas oo talaadada iyo arbacada kulamo xiiso badan la ciyaari doono.Sida caadada ah waxaa heerka groupyada UEFA Champions league ku tartamaya 32 kooxood iyada oo loo qaybiyay siddeed group oo ay midkiiba ku jiraan afar kooxood, waxaana wareega 16ka kooxood u soo bixi doona min labada kooxood ee kaalinta kowaad iyo labaad kaga soo dhamaysta groupyadan.Kooxaha kaalmaha saddexaad ka gala group kasta oo Champions League ahi waxay ku saaqidi doonaan tartanka labaad ee UEFA Europa League waxayna u wehel yeeli doonaan kooxaha ree London ee Chelsea iyo Arsenal oo calankoodu ka taagan yahay Europa League.
Haddaba shabakada Gool24 oo aad uga barateen warbixino iyo xog faah faahsan ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa rekoodhada iyo istatikada laga sameeyay heerka groupyada Champions league intii uu tartankani soo socday taas oo qof kasta oo warbixintan akhrista ka dhigi doonta mid xog-ogaal u sii ah tartankan inta aan la bilaabin kulamadiisa ugu soo horeeya.Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo dhamaan rekoodhada iyo xogta UEFA Champions league ee heerkiisa Groupyada ka hor furitaanka tartankan ee xili ciyaareedkan.⇒ KooxahaBarcelona,  FC Porto iyo Real Madrid  ayaa heerka Groupyada Champions League ka soo muuqanaya markoodii 23 aad waana rekoodh iyaga gooni u ah.⇒ Real Madrid ayaa haysta rekoodhka dhibcaha ugu badan, goolasha ugu badan ee heerka Groupyada Champions League waxayna sidoo kale Los Blancos haysataa rekoodhka kooxda ugu badan ee ka soo gudubtay heerka Groupyada UCL.⇒ Cristiano Ronaldo ayaa tan iyo finalkii Champions league ee 2009 kii waxa uu markii ugu horaysay ka soo muuqan doonaa koox aan Real Madrid ahayn isaga oo Juventus u safan doona kulankiisii ugu horeeyay ee Champions League, markii ugu danbaysay ee aanu Madrid koox ahaan tartankan u ciyaaray waxay ahayd 2009 kii markaas oo kooxdiisii Man United ay guuldaro 2-0 ahi ka soo gaadhay Barcelona.⇒ Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa wadaaga rekoodhka abid ee goolasha ugu badan ee heerka Groupyada Champions League waxayna haystaan min 60 gool, waxaana la sugayaa midka hogaanka rekoodhkan la wareegi doona.⇒ Kooxaha Crvena zvezda, Hoffenheim iyo Young Boys ayaa markii ugu horaysay taariikhda kooxahooda ka soo muuqan doonta heerka Groupyada UEFA Champions league, waxayna tirada kooxaha heerkan ka qayb galay ka dhigayaan 140 kooxood.⇒ Goolhayaha FC Porto ee  Iker Casillas ayaa safan doona xili ciyaareedkiisii 20 aad ee UEFA Champions League, waana xidiga haysta rekoodhka kulamada ugu badan ee tartankan.⇒ Thomas Müller ayaa noqon doona xidiga 35 aad ee tartanka UEFA Champions league ka saftay 100 kulan waxaana rekoodhkan uga soo horeeyay 34 ciyaartoy oo kaliya.Haddii aan intaas ku soo dhaafno hordhaca xogta iyo rekoodhada aanu halkan idiinku soo gudbinayno waxaad halkan si kooban ugaga bogan kartaa dhamaan qodobada ugu muhiisan ee ay tahay in qof kasta oo UEFA Champions league xiisaynayaa uu sii ogaan karo.Xogta Oo Qaab Kooban Oo Cid Kastaaba Fahmi Karto U Diyaarsan Halkan Kaga Bogo, waxayna xogtani ka soo bilaamaysaa 1992/93 kii markii Magaca UEFA Champions league qaabka uu hadda Yahay loo badalay. 1 2 3 4
XOG: Neymar Jr Vs Mohamed Salah- Isbarbar Dhigaya Xogta Gool Dhaliyaasha Casriga Ah Ee Ka Hor Kulanka UEFA Champions League Ee Liverpool Vs PSG
Monday, September 17, 2018 - 21:53
Mohamed iyo Neymar Jr oo ka mid ah gool dhaliyaasha casriga ah ee kubbada cagta aduunka ugu fiican ayaa markii ugu horaysya iskaga hor imanaya kooxaha ay hadda ka tirsan yihiin ee Liverpool iyo PSG inkasta oo ay hore hal kulan oo UEFA Champions league iskaga hor yimaadeen kooxahoodii hore ee Barcelona iyo Roma.Mohamed Salah iyo Neymar Jr ayaa iskugu soo gali doona garoonka Anfield marka ay kooxda Liverpool heeban danbe soo dhawayso PSG waana kulan xiiso gaar ah leh isla markaana si wayn aduunka oo dhan looga sugayo.Mohamed Salah iyo Neymar Jr ayaa September 16, 2015 kii iskaga hor yimid kulankii heerka groupyada Champions league ee ay kooxaha Barcelona iyo Roma babraraha 1-1 ka ah ku kala baxeen iyada oo midkoodna aanu kulankaas wax goolal ah dhalin laakiin kulankii Camp Nou ee ay Barca xasauuqa 6-1 ka ahaa u gaysatay Roma ayuu Mohamed Salah seegay.Mohamed Salah ayaa kulankan iskeenaya isaga oo laba kulan oo ka mid ah shantii kulan ee Premier League laba gool ka soo dhaliyay halka shan gool uu ka soo dhaliyay sideedii kulan ee uu xulkiisa iyo kooxdiisa u soo saftay ee tan iyo wixii ka danbeeyay finalkii Champions league ee uu dhaawucu soo gaadhay.Laakiin isla waqtigan ayuu Neymar Jr soo ciyaaray 14 kulan wuxuuna soo dhaliyay 10 gool isaga oo waliba lixdii kulan ee ugu danebeyay ayuu shabaqa soo wada taabtay isaga oo soo dhaliyay 4 gool oo uu PSG u soo dhaliyay iyo 2 gool oo uu xulkiisa Brazil u soo saxiixay inkasta oo labaduba rekoodhayaal ahaayeen.Mohamed Salah iyo Neymar Jr ayaa ah laba xidig oo isku da’a ah waxayna jiraan min 26 sanadood inkasta oo Neymar Jr uu ka wayn yahay 131 maalmood laakiin waxaa sidoo kale cajib ah in Salah iuo Neymar ay isku dherer yihiin waxayna wadaagaan min 175 sentimitir.Neymar Jr ayaa laba gool ka soo dhaliyay kooxaha Premier league kadib markii uu saftay 626 daqiiqo wuxuuna waliba todoba kulan oo ka mid ah siddeedan kulan uu ahaa dhinaca guulaystay wuxuuna rekoodhkani kaga soo dhamaaday kulankii ay manchester City 3-1 ka ku garaacday Barcelona xili ciyaareedkii 2016/17.Laakiin Mohamed Salah ayaa hal kulan oo kaliya ka hor yimid kooxaha ree France waxayna ahayd xili ciyaareedkii 2016/17 markaas oo uu Roma ku wajahay kooxda Lyon kulan ka tirsanaa Europa League wuxuuna dhaliyay hal gool iyada oo kooxdiisii Roma ay rekoodhayaal 5-4 ah ku soo baxday.Ma noqon doonto markii ugu horaysay ee uu Neymar Jr soo gali doono Anfield wuxuuna ka hor koobkii aduunka soo galay garoonka ay kooxdiisa PSG ka sii walwalsan tahay ee Anfield isaga oo waliba shabaqa kaga soo taabtay xulka Croatia oo ay Brazil guul 2-0 kaga gaadheen Anfield.Rekoodhka Gooldhalintii Mohamed Salah Vs Neymar Jr ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay ee UCL:Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa Liverpool ka caawiyay in ay soo gaadhay finalkii Champions league kadib markii uu saftay 930 daqiiqo wuxuuna ku soo dhaliyay 10 gool isaga oo Neymar Jr rekoodhkan ku garaacay.Laakiin Neymar jr oo kooxdiisa PSG soo dhaafi kari waayay wareegii 16ka kooxood ayaa saftay 720 daqiiqo wuxuuna soo dhaliyay 6 gool oo kaliya.Rekoodhka Abid Ee Kulamada UEFA Champions League Ee Salah Vs Neymar:Mohamed Salah ayaa UEFA Champions League ka soo ciyaaray 28 kulan wuxuuna ku soo dhaliyay 13 gool taas oo la micno ah in celcelis ahaan uu kulankiiba soo dhaliyay 0.46 gool.Neymar Jr ayaa isna UEFA Champions league ka soo muuqday 47 kulan wuxuuna ku soo dhaliyay 27 gool taas oo la micno ah in celcelis ahaan uu kulankiiba ku soo dhaliyay 0.57 gool wuxuuna ka heer gool dhalin fiican yahay Mohamed Salah.Rekoodhka Gool Dhalinta Abid Ee Tartamada Kooxaha UEFA Oo dhan Ee Neymar Vs Salah:Mohamed Salah ayaa guud ahaan tartamada UEFA ka soo ciyaaray 66 kulan wuxuuna ku soo dhaliyay 22 gool isaga oo celcelis ahaan kulankiiba ku soo dhaliyay 0.33 halka Neymar Jr uu guud ahaan tartamada UEFA ka soo ciyaaray isla 47 ka kulan ee Champions League maadaama oo aanu ka soo muuqan tartamada kale ee UEFA wuxuuna heerka gool dhalintiisu ku kooban yahay ka aan hore u soo sheegnay ee UCL.Haddaba akhriste, Mohamed Salah iyo Neymar Jr midkee ayaad filaysaa in uu kooxdiisa guul gaadhsiin doono marka ay habeen danbe iskugu soo galaan Anfield?
Antoine Griezmann Oo Cadeeyay Laba Arimood Oo Uu Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Kala Mid Yahay Iyo Waxa Uu U Baahan Yahay In Uu Horumar Ka Sameeyo.
Monday, September 17, 2018 - 20:37
Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay inuu heysto magac iyo sharaf sida labada xidig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, isagoo dhinaca kale sheegay inuu doonayo in inbadan uu sii hormariyo awoodiisa ciyaareed isla markaana uu si joogta ah u sii wanaajiyo qaab ciyaareedkiisa.Antoine Griezmann ayaa xilli ciyaareed gaar ah la qaatay kooxdiisa Atletico Madrid iyo sidoo kale dalkiisa qaranka France, kadib markii uu kusoo guuleesatay UEFA Europa League iyo koobka aduunka 2018 ee lagu qabtay dalka Russia.Qof walba ayaa aaminsanaa in Antoine Griezmann uu qeyb ka noqon doono liiska kama dambeysta ah ee FIFA xidiga ugu fiican aduunka sanada 2018, laakiin laacibka reer France ayay cid kasta lama filaan ku noqotay kadib markii laga waayay liiskan, inkastoo uu ku soo guuleestay koobka aduunka 2018.Laakiin Antoine Griezmann ayaa wuxuu u arkaa inuu miiskan kala siman yahay magac ahaan iyo sharaf ahaanba xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, wuxuuna sidoo kale rajeenayaa inuu sii hagaajin doono wax badan qaab ciyaareedkiisa xiliyada soo aadan.Antoine Griezmann ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay kadib wareysi uu ku bixiyay wargeyska AS ee dalka Spain: “Waxaan u maleynayaa inaan magaca iyo sharafba kala simanahay xidigaha Messi iyo Ronaldo, waxaan hubaa inay jiraan ciyaartoy badan oo sidaas sameeya, sidoo kalena sameyn doona”.Laacibka reer France iyo kooxda Atletico Madrid  ayaa wuxuu sidoo kale hadalkiisa kusii daray: “Waxay xusuus aad u fiican ku leedahay waxa walba ee xirfadeyda kubada cagta aan kusoo guuleystay, waan ku faraxsanahay wax walba oo qeybta ka ah”.Antoine Griezmann ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Laakiin waxaan doonayaa wax intaas ka sii badan, waan ogahay inaan hormar sii sameyn karo, waxaan doonayaa inaan horumariyo qaab ciyaareedkeyga, si aan ugu guuleysto koobab, isla markaana aan sii joogteeyo”.
Mohamed Salah Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Xidhiidhka Uu La Leeyahay Sadio Mane & Roberto Firmino- Miyuu Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Mane?
Monday, September 17, 2018 - 20:37
Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si waali ah uga falcelisay kadib markii ay kulankii Tottenham arkeen Sadio Mane iy Mohamed Salah oo qaladaad badan oo kubbad bixinta iyo go’an gaadhista ah sameeyay waxaana loo fahmay in uu jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyay labada xidig ee Liverpool ugu saamaynta badan.Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa cadho wayn kula dhacay Sadio Mane waxayna ku eedeeyeen in uu kulankii Tottenham noqday kali ciyaar danayste ah laakiin sidoo kale Mohamed Salah ayaa qalad ku lahaa in aanu Sadio Mane siin kubbad fiican oo uu u abuuri karayay.Halyayo hore oo kooxda Liverpool soo maray oo uu ka mid yahay John Aldridge ayaa cadho xoogan ka muujiyay hab dhaqankii Sadio Mane iyo Mohamed Salah ee kulankii Tottenham inkasta oo xataa ay Reds soo gaadhay guul muhiim ah, haddana waxa jiray kubbado aan la rumaysan karin oo booskooda la qalday.Waxaa jira muuqaal laga diyaariyay qaladaadkii kubbad bixineed ee Sadio Mane iyo Mohamed Salah ee kulankii Tottenham ee keentay in loo fahmay in khilaaf uu dhexdooda ka jiray iyada oo Jurgen Klopp uu si cadho leh uga fal celiyay markii uuu adkaysan waayay qaladaadka u muuqday midka badheedhka ah.Haddaba Mohamed Salah ayaa markii ugu horaysay la waydiiyay haddii uu khilaaf u dhexeeyo isaga iyo Sadio Mane wuxuuna sheegay in ay saaxiibo dhaw yihiin isaga, Sadio Mane iyo Roberto Firmino wuxuuna shaaca ka qaaday waxa ay sameeyaan marka ay ciyaartu soo dhamaato.Mohamed Salah ayaa cadeeyay in waqti badan ay wada hadlaan Sadio Mane iyo Firmino isla markaana ay isku goob saddexdoodu ka fadhiistaan qolka labiska marka ay ciyaartu soo dhamaato si ay waxyaabaha ciyaarta ka soo dhacay uga wada hadlaan.Waraysi uu siiyay Mohamed Salah majalada caanka ah ee France Football ayaa lagu waydiiyay haddii uu khilaaf kala dhexeeyo Mane wuxuuna ku jawaabay: “Anagu saaxiibo ayaanu nahay, in badan ayaanu wada hadalnaa. Guud ahaan, dhamaan saddexdayadu meel ayaanu qolka labiska ka wada fadhiisanaa ee isla marka ay ciyaartu soo dhamaato”.Mohamed Salah ayaa si buuxda meesha uga saaray in wax khilaaf ahi uu ka dhexeeyo Sadio Mane wuxuuna isaga oo jawaabtiisa sii wata yidhi: “Anaga waxaa noo dhaxaysa midnimo xaqiiq ah, maadaama oo aanan danayn ka goolka ugu horeeya dhaliya ama goolasha ugu badan dhaliya”.Hadalka Mohamed Salah ayaa ku soo beegmaya waqti ay jamaahiirta kooxda LIverpool isku diyaarinayaan kulanka adag ee ay kooxdoodu heen danbe la ciyaari doonto PSG iyada oo waliba Salah iyo Mane yihiin labada xidig ee ay shaqada ugu badan ka sugayaan maadaama oo uu Firmino wali xaalkiisa mugdi ku jiro.
Gary Lineker Oo Fikradiisa Ka Dhiibtay Rajada Kooxaha Premier league Ee Champions league, Liverpool Oo Uu Rajo Wayn Siiyay, Man United Oo Uu Walaac U Muujiyay Iyo Aragtidiisa Man City.
Monday, September 17, 2018 - 20:37
Khabiirka BT Sports ahna barnaamij soo saaraha MOD ee Gary Lineker ayaa fikradiisa ka dhiibtay rajada ay kooxaha Premier League xili ciyaareedkan u haystaan in ay ku guulaystaan koobka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League oo habeen danbe dib u furmi doona.Gary Lineker ayaa aaminsan in kooxda Liverpool ay markale xili ciyaareedkan heer fiican ka gaadhi karto koobka UEFA Champions league oo ay xili ciyaareedkii hore soo gaadhay finalkiisa laakiin waxa uu walaac ka muujiyay guulaha ay Manchester United ka gaadhi karto Champions League.Gary Lineker ayaa sidoo kale xusay in Manchester City ay haysato Guardiola oo awood u leh in uu Manchester City meel fiican ka gaadhsiin karo tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leageu.Kooxaha Ingiriiska ayaan Champions League ku soo guulaystay tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2012 kii markaas oo ay Chelsea koobkeedii abid ugu horeeyay ee Champions league hanatay, waxayna u muuqataa kooxaha Liverpool iyo Manchester United ay markale yihiin kuwa sumcadii Premier League soo celin kara inkasta oo Gary Lineker uu Mourinho dhaliil u soo jeediyay.Gary Lineker oo ugu horayn ka hadlaya Liverpool iyo Manchester City fursada ay u haystaan Champions league ayaa yidhi: ” Waxaan filayaa in hanaankooda ciyaareed ee Liverpool ay markale ku sii fogaan doonaan, xaqiiqdii Man City waxaa waajib ah in ay ka mid noqoto mid ka mid ah kuwa caadiyan looga shakiyo ee ugu cad cad”.Intaa kadib Gary Lineker ayaa sii dhex galay xaalada Liverpool wuxuuna yidhi: “Kooxda ayay marakle maal galin ku sameeyeen, waxayna xaqiiqdii haystaan koox awood qoto dheer leh, waxay maal galiyeen khadka dhexe, taas oo aanan filayn u baanaayeen, laakiin xaqiiqdii waxaan jeclahay Keita”.Gary Lineker oo xaalada Liverpool ka caawin karta Champions league ka sii hadlaya ayaa yidhi: ” Helitaanka goolhaye hubaashii aad ayay muhiim u ahayd isla markaana Alisson aad ayuu u fiican yahay. Waxa uu Brazil dibada kaga ilaaliyaa Ederson, taas ayaa isaga ka hadlaysa. Goobaha muhiimka ah ayay iska soo xoojiyeen waxayna haystaan doorashooyin dheeraad ah”.Gary Lineker oo si gaar ah uga hadlaya Manchester City iyo awoodeeda UEFA Champions league ayaa yidhi: “Si fiican oo la mid ah  koox kasta ayay City u hubaysan tahay, halis wayn ayayna noqon doonaan, dabcan Pep wuu doonayaa , waqti ayaa ka soo wareegay markii ugu danbaysay ee uu Champons League ku soo guulaystay isagu (2011)”.” Si aad ah ayay u dooni doonaan, isagu wuu riixyaaa, hami ayuu leeyahay, isagu waa cajiib , wax walba halkooda ayay u yaalaan, laakiin waa su’aal adag” ayuu Gary Lineker  oo Man City iyo Guardiola sii sharaxaa hadalkiisa ku sii daray.Laakiin Gary Lineker  ayaa walaac ka muujiyay xaalada kooxda Jose Mourinho ee Manchester United ee fursadeeda Champions league wuxuuna yidhi: ” Ciyaartu horumar ayay samaysay, waa mid aad u furan isla markaana weerar leh. Waxaynu markhaati ka ahayn xili ciyaareedkii hore ee Champions league in kooxhaa sare ay u soo guulaysteen sidii ay City ugu guulaysatay Premier league”.Gary Lineker ayaa horumar ay Manchester United ka samayn karto Champions league ku xidhay sida Mourinho uu ciyaartoydiisa u horumarin karo wuxuuna yidhi: ” Si sahlan waxaa  Isaga (Mourinho) waajib ku ah in uu waxa ugu fiican ka soo saaro ciyaartoydiisa cajiibka ah’.
Juventus Ayaa Ugu Sharaf Iyo Awood Badan Yurub Sababtoo Ah Cristiano Ronaldo- Halyyaga Real Madrid Ee Jorge Valdano Oo Wali Sii Wada Jacaylkiisii Ronaldo.
Monday, September 17, 2018 - 20:37
Halyayga kooxda Real Madrid Jorge Valdano ayaa sheegay in Juventus ay tahay kooxda ugu awooda iyo sharafta badan yurub xiligan  la joogo sababtoo ah  inay lasoo saxiixatay kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo suuqii dhawaa ee xagaaga.Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa ku guuleesatay suuqii dhawaa ee xagaaga in ay Real Madrid kala soo saxiixato Cristiano Ronaldo aduun dhan 105 million euros, wuxuuna saxiixay heshiis ilaa iyo 2022, wuxuuna sanadkii mushaar ahaan u qaadan doonaa 30 million euros.Kooxda Juventus ayaa garoonkeeda Allianz Stadium guul kaga gaadhay kooxda Sassuolo oo marti u ahayd, Cristiano Ronaldo oo mudo ka soomanaa goolasha ayaa ugu dambayn qanciyay jamaahiirta kooxdiisa cusub kaddib markii uu noqday geesiga kulankan guusha u horseeday.Jorge Valdano ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Onda Cero” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus: “Juventus hada waxay u dhigantaa kooxda ugu sharafta iyo awooda badan Yurub, sababa la xidhiidha inay sameesay saxiixa Cristiano Ronaldo”.Halyayga kooxda Real Madrid ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Real Madrid waxay lumisaa in badan ee ku aadan dheeli tirnaanteeda kulamada uu ka maqan yahay laacibka reer Brazil ee Casemiro, taasina waxay ka muuqatay kulankii ugu danbeeyay ee Real Madrid ee ay kula ciyaarayeen Athletic Bilbao horyaalka La Liga”.Waxaa xusid mudan in Juventus ay haatan ku hogaamineyso horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga 12 dhibcood, kadib 4 kulan ay kasoo ciyaartay, halka Real Madrid ay fadhido kaalinta labaad ee dhanka kala sareynta horyaalka La Liga, waxayna 2 dhibcood u jiraan hogaamiyaasha Barcelona.
XOG: Min Bilaw Ilaa Dhammaad, Halkan Kaga Bogo 18 Xogood Ee Ugu Waaweyn Ee Laga Diiwaan Galiyay 18-ka Sano Ee Dahabiga Ah Ee Uu Lionel Messi Ku Sugan Yahay Kooxda Barcelona.
Monday, September 17, 2018 - 18:14
Sida iska cad Lionel Messi waxa uu 18 sano oo ciyaartoy kasta ku riyoodo ku qaatay mudo 18 sano ah oo uu ku sugan yahay kooxda Barcelona, Maalinimada khamiista ayay si rasmi ah u buuxsami doonaan 18-ka sano ee laga joogo tan iyo imaatinkii Leo ee Barca.Sanadkii 2000 ayay ahayd markii wiil yar oo 13 sano jir ah uu soo cago dhigtay magaalada Barcelona isagoo ka yimid dhinaca kooxda yar ee Newell’s Old Boys waxaana uu haatan wiilkaas oo ahaa Messi uu nash-qadeeyay mid kamid ah bogaga dahabiga ah ee kubadda cagta guud ahaan.Haddaba, Waxaan halkan idiinku soo koobi doona 18-ka dhacdo ee ugu waaweyn ee loo diiwaan galiyay xiddigan shanta jeer hantay Ballon d’or mudada 18-ka sano ah ee uu ku sugnaa gobolka Catalonia.1- Aqoonsigiisii da’yarta kooxda Barcelona (2001)Lionel Messi ayaa isla markii uu kusoo biiray Blaugrana waxa uu qaatay aqoonsigiisii kooxda da’yarta La Masia waxaana laga qabtay mid kamid ah sawiradii ugu horreeyay ee laga helo waayihiisa Barca.2- Kooxdii Akaademiyada La Masia ee taariikhda gashay (2002)Pique, Messi iyo Fabregas ayaa ah magacyada ugu waaweyn ee jiilkii dhashay sanadkii 1987, Waxay sameeyeen koox xoogan oo guuldaro la’aan noqotay isla markaana tartan kasta hanatay.3- Kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda waaweyn (2003)Bishii Novenber November 16, 2003 Messi ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyay isaga oo kaliya jira 16 sanoiyo 145 maalmood kulan saaxiibtinimo oo ay kooxdu la cyaartay FC Porto, Barca ayuu markaas tababare u ahaa Frank Rijkaard oo siiyay Leo kulankiisii ugu horreeyay ee rasmi ah sanadkii 2004.4- Goolkiisii ugu horreeyay ee Barcelona (2003)Kooxda yar ee Albacete ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee dhibane u noqota Messi kaddib markii uu gool u bedelay kubad uu ka helay Ronaldinho.5- Saddexleydii ugu horreysay oo uu ka dhaliyay kooxda uu xifaaltanka ba’ani ka dhexeeyo ee Real Madrid (2007)Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu xiddiga ree Argentina dunida tusay awoodiisa dhabta ah kaddib saddexley taariikhi ah oo uu ka dhaliyay kooxda Real Madrid kulan ay kuwada ciyaareen Camp Nou.6- Inuu dhaliyay goolkii caqiibada lahaa ee Maradona oo kale (2007)Bishii April 18, 2007 Lionel Messi ayaa dhaliyay gool lamid ah goolkii taariikhga ahaa ee Maradona kaddib markii uu kooxda Getafe ka dhaliyay kubad uu kala yimid qaybta garoonka ee kooxdiisa Barca, Goolkan ayaa cirka kusii shareeray isbar bardhiga lagu sameeyo isaga iyo Maradona7- Bilawgii wakhti dahabi ah (2009)Messi ayaa madax qurux badan ka dhaliyay kooxdii Manchester United ee uu ka tirsanaa Cristiano Ronaldo Xilli uu ku guuleystay Champions League ugu horreeyay ee uu ka qayb ahaa kulanka Final-ka maadaama oo uu seegay kulankii Final-kii 2006 sababo dhaawac awgeed8- Ballon D’or-tii Koowaad (2009)Messi ayaa isaga oo jira da’da 22 abaalmarinta Ballon d’or ku garaacay Crstiano Ronaldo iyo Xavi waxaana ay u ahayd markiisii koowaad maadaama oo uu abaalmarintan kaalinta saddexaad ka galay sanadkii 2007 halka uu labaad ka galay sanadkii 20089- Bandhigiisii Wembley Stadium (2011)Guushii 3-1 ahayd ee ay ka heleen Manchester United ayaa lagu tiriyaa inay ahayd mid kamid ah kulamadii ugu fiicnaa ee ay ciyaarto kooxdii Pep Guardiola, Messi ayaa bandhig indho qabad leh kusoo bandhigay kulankaas isagoo dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa10- Wacdarihiisii Champions League (2012)Lionel Messi ayaa qaab aan hore loo arag uga soo dhalaalay UCL xilli ciyaareedkaas kaddib markii uu hal kulan SHAN gool ka dhaliyay kooxda Bayer Leverkusen wareegii 16-ka.11- Gool dhaliyihi ugu sarreeyay ee sanadka oo dhan (2012)Lionel Messi ayaa fajacii ugu weynaa ku riday kubadda kaddib markii uu sanad buuxa ku dhaliyay 91 gool isla markaana dhaafay rekoodhkii Gerd Muller ee ahaa 69-ka, 79 kamid ah goolashan ayuu u dhaliyay Barcelona halka uu 12 u dhaliyay Argentina12- Inuu gool dhalinta La Liga ee abid kala wareegay Telmo Zarra (2014)Kaddib saddexley uu ka dhaliyay kooxda Sevilla, Lionel Messi ayaa ku garaacay weeraryahankii hore ee Athletic Bilbao ee Zarra gool dhalinyaha abid ugu sarreeya ee horyaalka La Liga.13- Champions League shanaad ee kooxda (2015)Leo ayaa Barcelona la qaaday Champions League markii shanaad ee taariikhdeeda iyo markiisii afraad kaddib kulan ay 3-1 kaga adkaadeen kooxda Juventus, Barca ayaa kasoo adkaatay kooxaha Manchester City, PSG iyo Bayern Munich14- Ku guuleysigii Ballon d’or markii shanaad (2016)Messi ayay u ahayd sanad taariikhiya waxaana uu abaalmarintan ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Neymar JR15- Gool kulaadkii Cruyff oo kale (2016)Messi ayaa sameeyay hanaankii Johan Cruyff oo kale kaddib markii uu gool kulaad amaba rigoore u baasay saaxiibkiisa Luis Suarez kaas oo isna shabaqa ku hubsaday.16- Soo laabashadii PSG (2017)Habeen loo diiwaan galiyay mid kamid ah habeenadi ugu qurxoonaa ee abid ka qabsooma kubadda cagta, kaddib markii ay Barca ku adkaatay 6-1 iyagoo 4-0 lagu soo garaacay kulankii hore.17- Qabsashadii Bernabeu (2017)Messi ayaa sanadkii 2017 u dhaliyay Barca gool xilli dambe ah oo ay guul ku gaadhay kulan El Classico ah isagoo sameeyay dabaal deg taariikhi ah kaddib markii uu maaliyadiisa siibay si uu u tuso jamaahiirta Real Madrid18- Ciyaartoyga ugu koobabka badan Barcelona (2018)Kaddib markii ay Spanish Super Cup ka qaadeen kooxda Sevilla, Kabtanka Argentina ayaa noqday xiddiga ugu koobabka badan taariikhda Barcelona.Haddaba, Adigu Akhriste Nala Wadaag Dhacdada Dookhaaga Ah Ee Uu Lionel Messi Kugu Soo Jiitay Mudadaas 18-ka Sano Ah Ee Uu Ku Sugan Yahay Kooxda Barcelona???
LIX Kamid Ah Kulamada Carabao Cup Oo Lagu Isticmaali Doono Garsoore Caawiye VAR & Kulanka Ugu Weyn Wareegaas Ee Liverpool v Chelsea Oo Ka Qayb Ah.
Monday, September 17, 2018 - 18:14
Xidhiidhka kubadda cagta dalka England ayaa halkooda kasii wada tijaabada ay ku wadaan qalabka garsoore caawiyaha ah ee VAR waxaana markan lagu isticmaali doonaa lix kamid ah kulamada wareega saddexaad ee tartanka Carabao Cup.Lixdan kulan ayuu kamid yahay kulanka ugu culus wareegaas ee u dhaxeeya kooxaha Liverpool iyo Chelsea kulan Anfield lagu dheeli doono, Sidoo kale waxa xusid mudan in qalabkan la isticmaali doono kulamada kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Everton.Lixda kulan ee Carabao Cup ee lagu isticmaali doono VAR ayaa kala ah:September 25: Manchester United v DerbyWolverhampton Wanderers v Leicester CitySeptember 26: Arsenal v BrentfordWest Ham v Macclesfield TownLiverpool v ChelseaOctober 2: Everton v SouthamptonTeknoolajiyadan casriga ah ayaa lagu isticmaalay wareegii labaad ee tartankan iyadoo sababta ugu weyni ay tahay inay kusoo najaxday tartankii koobka aduunka oo ay wax weyn ka tartay.Kulamadii horyaalka Premier League ee toddobaadkan gaar ahaan kuwoodii soo galay 5-tii galabnimo ee Sabtidii ayaa si tijaabo ah loogu eegay haddiiba uu jiri lahaa go’aan uu wax ka bedeli lahaa VAR waxaana kaliya kasoo baxay hal qalad oo ah goolkii Leroy Sane uu ka dhaliyay Fulham oo uu VAR u aqoonsan lahaa garab dhaaf amaba Offside.
Xaqiiq Mise Xeel Dagaal? Jurgen Klopp Oo Sheegay In PSG Ay Tahay Kooxda Ugu Cad Cad Ee Liverpool Garaaci Karta Kuna Guulaysan Kara UEFA Champions League.
Monday, September 17, 2018 - 18:14
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxda ay UEFA Champions League kaga hor imanayaan ee Paris Saint-Germain ay tahay kooxda ugu cad cad ee garaaci karta kooxdiisa Liverpool isla markaana ka midka ah kooxaha xili ciyaareedkan ku guulaysan kara koobka Champions League.Inkasta oo xeelad dagaal iyo ciyaar maskaxeed loo arko hadalka Klopp, haddana waxaa xaqiiq ah in Liverpool ay mari doonto imtixaankii ugu adkaa xili ciyaareedkan ee tartamada oo dhan waxayna Reds ka hor iman doontaa weerarka ka kooban Neymar Jr, Kylian Mbappe iyo Edinson Cavani.Laakiin sidoo kale PSG ayaa iyaduba mari doonta imtixaan kan la mid ah waxayna wajihi doonaan Liverpool oo qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ku jirta isla markaana soo wada guulaysatay shantii kulan ee ay xili ciyaareedkan ka soo muuqatay Premier League balse warka ugu adag ayaa ah haddii uu Roberto Firmino la soo safan doono Sadio Mane iyo Mohamed Salah.PSG ayaa 17 gool soo dhalisay isla markaana afar gool oo kaliya ayaa laga dhaliyay laakiin Liverpool ayaa haysata difaac xoogan iyo waliba in garoonkeeda dhibta badan ee Anfield lagu ciyaarayo kulanka ugu xiisaha badan UEFA Champions League todobaadkan.Jurgen Klopp oo ka hor kulankan saxaafada kula hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka PSG ayaa yidhi: ” PSG waa mid ka mid ah kuwa ugu cad cad tartankan, sideenu anagu awood ugu yeelan karnaa in aanu kulankaas ugu cad cadaano?”.Klopp oo tayada PSG ka hadlaya ayaa yidhi: “Qof kastaaba waxa uu ogyahay tayada Paris, kooxdooda waxaa loo dhisay in ay ku guulaysato Champions League. Ciyaartoyda ay haystaan, tababaraha ay haystaan, wax walba way iskugu keeneen si ay u sii socon karaan inta ugu fog ee ugu suurtogalsan”.Laakiin Klopp ayaa xusay in ay kooxdiisa Liverpool faa’iido u noqon karto in kulankan lagu ciyaarayo Anfield wuxuuna yidhi: “Waxaanu ku ciyaaraynaa Anfield, waxayna noo noqon kartaa faa’iido, sidaa ayaanu rajaynaynaa, laakiin waxaanu u baahanahay caawin kasta oo aanu heli karno”.Roberto Firmino ayaa dhaawac xun oo isha ah looga saaray kulankii Tottenham waxaana Klopp la waydiiyay haddii uu soo kabsatay wuxuuna ku jawaabay: “Maya xaqiiqdii, haddii aanu maanta ciyaari lahayn, wax fursad ahi may jirteen. Dhamaantayo waxaanu rajaynaynaa in barri ay fursadi jiri doonto, qof kasta oo ciyaarta kadib sawirada arkay, dhamaan waanu argagaxnay”.Klopp oo ka sii hadlaya xanuunka dhibtii Roberto Firmino ka soo gaadhay qaabkii argagaxa lahayd ee difaaca Tottenham isha farta uga galiyay ayaa yidhi: “Waa mid xanuun badan, qofna ma doonayo in ay taasi ku dhacdo, laakiin wuu fiicnaan doonaa, waqtiga dhabta ah ma ogin, waxaanu eegi doonaa sida ay horumar u samayso”.Haddii uu Firmino taam noqon waayo waxa uu Klopp cadeeyay in Daniel Sturridge uu diyaar u yahay in uu booskiisa buuxiyo wuxuuna yidhi: “Isagu (Sturridge) diyaar ayuu ahaan doonaa, haddii aanu Bobby ciyaari karin isla markaana aanu Dominic Solanke ciyaari karin, doorashooyinka ayaa nagu yar, sababtoo ah Solanke iyo Origi dhaawacyo yar ayaa ku soo gaadhay kooxda U23 ee kulankii Swansea”.
David De Gea Waa Lionel Messi-ga Goolhayayaasha, Sanado Ayuu Aduunka Ugu Fiicnaa- Goolhaye Qiray In De Gea Yahay Kan Aduunka Ugu Fiican.
Monday, September 17, 2018 - 17:11
Goolhayaha Manchester United ee David de Gea ayaa eedayn badan kula soo kulmay tartankii koobka aduunka ee sanadkan ka qabsoomay dalka Russia waxaana lagu diwaan galiyay goolhayihii ugu xumaa koobka aduunka muddo aad u dheer laakiin marka ay noqoto kooxdiisa Man United waxa uu sameeyaa bandhig sabab ugu noqda in lagu tilmaamo goolhayaha aduunka ugu fiican.David De Gea ayaa sabab buuxda u ahaa in Manchester United ay guul ka soo gaadhay kooxda Watford isaga oo sameeyay gool badbaadin caalami ah si uu kooxdiisa ugu ilaaliyo natiiadii guusha taas oo haddii kale United dhaxalin siin kartay in ay barbaro gasho.Goolhayaha kooxda Watford ee Ben Foster ayaa sheegay in David De Gea uu goolhayayaasha ugu jiro halka Lionel Messi ugu jiro ciyaartoyda kale. Ben Foster ayaa Manchester United ka baxay sanadkii 2010 kii wuxuuna De Gea ku tilmaamay Lionel Messi-ga goolhayayaasha.Goolhayaha Watford ee Ben Foster oo hadal layaableh ku amaanaya David De Gea kadib markii uu arkay wixii uu sameeyay kulankii labada kooxood wada ciyaareen ayaa yidhi: “Isagu waa Messi-ga goolhayayaasha, sanado ayuu ahaa goolhayaha aduunka ugu fiican. Xaqiiqdii hadda waa cajiib, gool badbaadinaha qaar uu sameeyo waqtiyada adag waa kuwo aad kaliya neefta ku qaadan karto”.Ben Foster oo De Gea sii amaanaya ayaa yidhi: “Waqtiga oo dhan ayuu qabtaa, ugu dhawaan waxay la mid tahay in xataa aanu qasmin, waa wax fiican in aad samayso badbaadinahaas, aad ayuu cajiib u yahay, waa goolhaye sarre, haddii uu goolhaye kasta oo da’yar ahi doonayo in uu barto sida goolhaye loo noqdo waa in uu daawado De Gea, waa heer caalami”.Laakiin wali waxaa taagan dooda ah in De Gea aanu tayadiisa ciyaareed ku soo bandhigi karin xulka qaranka Spain iyada oo ay dalka Spain ka jirto dood ah in Kepa uu noqdo goolhayaha kowaad ee xulka qarankooda Spain kadib bandhigii liitay ee uu De Gea ka sameeyay koobkii aduunka.
Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Manchester United Ku Ciyaari Karto Kulanka Champions Legaue Ee Young Boys Miyuu Luke Shaw Kusoo Bilaaban Karaa?
Monday, September 17, 2018 - 17:11
Kooxda Manchester United ayaa toddobaadkan kulankeeda ugu horreeya ee xilli ciyaareedkan ay ka ciyaarayso tartanka Champions League ku daah furan doonta kulan ay booqan doonto kooxda Young Boys.Jose Mourinho ayaa ku rajo weyn in kooxdiisu ay qaab dar dar leh ku bilaabato tartankan kulankooda Arbacada, Tababaraha ree Portugal ayaa sidoo kale filanaya n kooxdiisu ay halkeeda kasii wadi doonto guulaha ay kulamadii ugu dambeeyay gaadhaysay.Man United ayaa toddobaadkan guul weyn kusoo gaadhay Vicarage Road iyaga oo soo af-jaray guulihii xdhiidhka ahaa ee kooxda Watford oo xilli ciyaareedkan qaab xoogan ku bilaabatay horyaalka Premier League.Haddaba, Waxaan halkan ku eegi doonaa shaxda ay Manchester United kusoo shirtagi karto kulanka Young Boys, Ugu horrayn Luke Shaw ayaa la filanayaa inuu kulankan kusoo laabto shaxda Red Devils sidii uu hore u xaqiijiyay tababare Mourinho.Shaw ayaa dhaawac kusoo gaadhay kulankii uu xulka England wajahay Spain ee ka tirsanaa UEFA Nations League taas ayaana ku qasabtay inuu seego kulankii Watford balse waxa la filanayaa inuu safka hore kaga jiro kooxda uu Mou u magacaabi doono kulankan.Marcus Rashford iyo Nemanj Matic oo labaduba ka ganaaxan Manchester United kulamada Premier League ayaa la filayaa inay kulankan kusoo bilawdaan, Inta kale xiddigaha kulankan fursada u hela ayaa noqon doona isla xiddigihi kooxda matalay kulankii Watford.
Frank Lampard Oo Loo Taagay Kaadhkii Casaa Ee Ugu Horreeyay Waayihiisa Tababarenimo & FA-ga Dalka England Oo Dacwad Kusoo Oogay.
Monday, September 17, 2018 - 17:11
Halyeeyga kooxda Chelsea iyo xulka qaranka England ee Frank Lampard ayaa dhadhamiyay dareenka ay leedahay in kaadh cas la qaato adigoo ku gudo jira marxalada tababarenimo kaddib markii dhawaan laga saaray kulan ay kooxdiisa Derby County la ciyaaraysay Rotherham.Lampard iyo xiddiga kooxdiisa ee Tom Lawrence ayaa labadooda kaadhadh casaan ah lagu abaalmariyay kaddib falal aan wacnayn oo ay sameeyeen intii kulankaasi socday, Ciyaartan ayaana ahayd mid lagusoo af-jaray saddexdii guulood ee xidhiidhka ahaa ee ay hore usoo gaadhay Derby.Dhacdada uu Frankie ku mutaystay kaadhkan cas ayaa ah kaddib markii uu is celin waayay daqiiqadii 77-aad ee kulanka isla markaana uu ka baxay diilinta loogu talo galay isaga oo dhaleecaynaya go’aanada garsoorka kulanka.FA-ga dalka England ayaa dhawaan warbixin kasoo saaray dhaqankaas uu Lampard kala soo muuqday ciyaartaas iyagoo kusoo oogay dhaqan xumo iyo inuu is xakamayn waayay.Qoraalka FA-ga ayaa u dhignaa sida tan “Tababaraha Derby County ee Frank Lampard ayaa lagu soo oogay dhaqankiisii kulankii ay ka hor jeedeen  Rotherham United sabtidii taariikhdu ahayd 15/09/18, Waxa lagu eedeeyay in dhaqankiisii daqiqadii 77-aad uu ahaa anshax xumo”
Manchester United Iyo Tababaraheeda Jose Mourinho Oo Ugu Dambayn Go’aan Ka Gaadhay Hadii Ay Heshiis Cusub Ka Saxeexan Doonaan AFAR Kamid Ah Xiddigaha Kooxda.
Monday, September 17, 2018 - 15:44
Kooxda Manchester United iyo tababaraheeda ayaa u muuqda kuwo ugu dambayn go’aan ka qaatay haddii ay heshiis cusub ka saxeexan doonaan afar kamid ah xiddigaha kooxdooda ee dhammaadka xilli ciyaareedkan qandaraaskoodu ka dhacayo.Jose Mourinho ayaa si cad saxaafada ugu sheegay inuu doonayo inuu kooxda kusii haysto daafaca bidix ee kooxdiisa ee Luke Shaw si lamid ah xiddigaha kala ah Juan Mata, Ander Herrera iyo Ashley Young, Xiddigahan ayuu dhammaan xilli ciyaareedkani u yahay midkii ugu dambeeyay ee qandaraaskooda.“Waxaan rajaynayaa inay joogaan” Ayuu Mourinho u sheegay mar kanaalka Sky Sports uu wax ka weydiiyay mustaqbalka Juan Mata, Ander Herrera, Ashley Young iyo Luke Shaw“Waxay sheeko midan lamid ahi naga heysatay Marouane Fellaini xilli ciyaareedkii hore waxaanan markasta odhan jiray ‘Waxaan rajaynayaa inuu joogo’ Waxaan aaminsanaa inuu joogi doono waxaanan odhanayaa sidaas si lamid ah – ‘Waxaan rajeynayaa inay joogaan”Daafaca bidix ee Luke Shaw ayaa loo arkaa inuu yahay mid haatan muhiimad weyn ka yeeshay kooxda kaddib wacdaro uu ka dhigay xilli ciyaareedkan cusub walow uu dhawaan dhaawac soo gaadhay xilli uu gudanayay waajibaadkiisa qaran.Tababare Mou ayaa u han weyn inuu haatan Old Trafford kusii xejiyo Shaw waxaana uu rajaynayaa in xiddigani uu sii wado dadaalada uu ku jiro isagoo sheegay inay aamisan yihiin inuu jihadii sax sanayd u socdo.Special One oo si gaar ah uga hadlaya Shaw ayaa yidhi “Horumarka Luke Shaw wuxuu naga dhigaa kuwo aaminsan inuu u socdo jihada saxsan, Waxaan doonayaa inaan sii haysto isaga”
Inuu Raaxo Dareemayo La’aanta Cristiano Ronaldo, Jawaabtii Cajiibka Ahayd Ee Uu Bixiyay Markii Waxa Laga Weydiiyay Midka Fiican Julen Lopetegui Iyo Zinadine Zidane & Faah-Faahinta Wareysi Xasaasi Ah Oo Uu Bixiyay Gareth Bale.
Monday, September 17, 2018 - 15:44
Garabka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa bixiyay wareysi uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin dareenkiisa kaddib bixitaanka Cristiano Ronaldo iyo midka fiiican tababarihii hore ee kooxda ee Zinadine Zidane iyo tababaraha haatan ee Julen Lopetegui.Bale ayaa qarka u sarnaa inuu iskaga tago Real Madrid wakhtigii Zinadine Zidane kahor intii aanu xilka tababarenimo ee kooxda la wareegin Julen Lopetegui oo kalsooni weyn siiyay xiddiga haatan.Bale ayaa ugu horrayn ka hadlay bixitaankii Cristiano Ronaldo oo ay dad badani u arki jireen caqabada ugu weyn ee xiddiga ree Wales ku haysatay Bernabeu isla markaana kahor taagnaa inuu iskii usoo dhalaalo oo uu qayb ka noqdo xiddigaha u loolama abaalmarinaha shaqsiga ah ee waaweyn.Gareth ayaa sheegay in bixitaanka Cristiano Ronaldo uu wax yar oo raaxo ah siinayo hadalkan ayaana ah mid si dhab ah u xoojinaya fikradii ahayd in Bale uu dhibane u yahay hooska CR7.Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Sida iska cad wax yar ayay ka duwanaanaysaa, Waxay noqonaysaa mid wax yar ka raaxo badan, Waxaan filayaa inay wax badan ku saabsanaan doonto kooxda inagoo inbadan u shaqayn doona wadar ahaan halkii aan xooga ka saari lahayn ciyaartoy kaliya”Dhnaca kale Bale ayaa wax laga weydiiyay haddii uu ku laaban doono horyaalka Premier League waxaana uu sheegay inuu markasta doonayo inuu ku laabto horyaalka dalkiisa balse uu ku raaxaysanayo inuu u ciyaarayo kooxda dunida ugu weyn.“Waxaad markasta doonaysaa inaad ku laabato oo aad ka ciyaarto horyaalka dalkaaga iyadoo qayb idinka mid ahi ay markasta u xiisto dalkooda laakiin anigu waxaan ku raaxaysanayaa inaan u ciyaarayo kooxda ugu weyn dunida oo aan koobab ku guuleysanayo”Ugu dambayn xiddigan ayaa wax laga weydiiyay midka fiican tababare Julen Lopetegui iyo Zinadine Zidane waxaana uu bixiyay jawaab maskaxiyan ah oo uu kaga baxsanayo wax isbar bardhig ah oo uu dhinac ugu xagliyo isagoo sheegay inuuna hubin haddii uu doonayo inuu ka jawaab celiyo su’aashaas.Waxaana uu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata “Ma hubo inaan doonayo inaan ka jawaabo haddii aan filayo in Lopetegui uu ka fiican yahay Zidane”Si kastaba ha ahaatee, Zidane ayaa laba sano iyo badh dahabi ah la qaatay kooxda ree Spain walow uusan u fiicnayn Bale oo uu kulamo badan oo muhiim ah keyd u dhaadhiciyaya, Xiddiga ree Wales ayaa u muuqda mid faa’ido weyn ka helay bixitaankii Zizou iyo CR7 maadaama oo uu helay tababare kalsooni weyn siiyay loona caleemo saaray booskii hoggaamiyenimo ee Los Blancos.